Qeylo-dhaantii Abaaraha ee Madaxweyne Siilaanyo: Bayaan u Baahan in Deg-deg looga Soo Jawaabo

0
868
Qeylo-dhaantii Abaaraha ee Madaxweyne Siilaanyo: Bayaan u Baahan in Deg-deg looga Soo Jawaabo
Qeylo-dhaantii Abaaraha ee Madaxweyne Siilaanyo: Bayaan u Baahan in Deg-deg looga Soo Jawaabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo guntiga u xidhay sidii uu u samato-bixin lahaa hal malyan iyo badh qof oo abaarta raafka kululi ay saamayn taban ku yeelatay noloshoodii, ayaa markii labaad beesha caalamka u diray qeylo-dhaan culus oo uu kaga dalbaday inay caawiyaan badbaadinta nolosha dad lagu qiyaasay 248, 000 (laba boqol, siddeed iyo afartan kun) oo qof oo ku sugan duruuf halis ah.

Madaxweynuhu waxa uu Guddida gurmadka abaaraha qaranka ku wareejiyay hal milyan iyo dheeraad doolar oo xukuumaddu bixisay si loogu iibiyo cunto, biyo iyo dawooyin deg deg ah dadka abaareysan. Sidoo kale xukuumaddu waxay si heerkeedu sareeyo u abaabushay dal iyo dibadba gurmadka abaaraha, iyadoo warbaahinta qaranka noocyadooda kala duwani ay muddo ka shaqeynayeen wacyigelinta bulshadda ee ka qaybqaadashada gurmadka abaaraha.

Madaxweynuhu waxa uu baaqiisan u dambeeyay xambaarsanaa xaqaa’iqa dhabta ah ee la xidhiidha baaxadda tabaalada ay dhalisay abaartu, waxaanu bayaankiisu xiganayay daraasado ay sameeyeen Hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ay fulisay xukuumadda lafteedu, waxaanu yidhi “Marka la eego qiimaynta sannadlaha ah ee ugu dambaysay oo ay samaysay hay’adda FSNAU (Food Security and Nutrition Analysis Unit) iyo Isku-xidhka Habka Qiimaynta Digniinta Hore ka Bixiya Abaaraha ee FEWSNET (Famine Early Warning Systems Network), waxa muuqata in dad ka badan hal milyan oo qof u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah, halka sidoo kale ugu yaraan 248, 000 (laba boqol, siddeed iyo afartan kun) oo ruux ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, isla markaana ay cunto yaraan baahsan ka jirto Somaliland,”ayuu ku yidhi madaxweynaha Somaliland baaqiisa qeylo-dhaanta abaaraha.
Waxaanu intaas ku kabay “Sidoo kale, Hay’adda Cilmi-baadhista Degaanka iyo u Diyaargarowga Masiibooyinka ee Qaranka Somaliland ee NERAD (National Environment Research and Disaster-preparedness) iyo hay’adda Qarammada Midoobay ee OCCHA, ayaa qiimayn ay ka sameeyeen 19 degmo oo Somaliland ah waxa lagu ogaaday in dadka xoolo-dhaqatada ah ay 86% waayeen xoolahoodii sannadkii hore, halka sidoo kale qoysasku 51% wax yar cunto cunaan saddexda xilli.”

“Qiimayn kale oo ay xukuumadda Somaliland ka samaysay degaannada bariga iyo xeebta bilihii October ilaa November, waxa lagu ogaaday in xaaladdu aad halis u tahay. Waxa meesha ka baxay oo baqtiyey 60% adhiga (idaha iyo riyaha), halka sidoo kale 20% uu geelu meesha ka baxay

Xoolaha nool ee aan weli baqtiyin ayaa xaaladoodu aad u u xun tahay, waxana isugu darsamay tamar-darro iyo xannuunno, iyadoo ay aad u yar yihiin fursadaha ay ku sii noolaan karaan haddii aan gurmad degdeg ah lala gaadhin. Xaaladdu aad ayey u sii xumaanaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, iyadoo aannu waajahayno macaluul baahsan oo sababi karta in dadku dhintaan haddii aan gargaar degdeg ah loo fidin.”

Haddaba, waxa qaadhaan-bixiyeyaasha, Hay’adaha caalamiga ah iyo beesha caalamkaba la gudboon inay si wax ku ool ah uga jawaab celiyaan baaqa madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu si qoto-dheer oo aqooneed ugu sawiray xaaladda ba’an ka taagan Somaliland, si loo samato-bixiyo dadkaas badbaadada u baahan. Iyadoo xaaladda jirtaa aanay ku simayn dadkaas dhibaataysan inay muddo dheer qaadato kaalmadda caalamiga ahi. Baaqii madaxweynuhu waxa kale oo uu dhiirigelin u yahay muwaadiniinta muxsiniinta ah ee reer Somaliland oo ay tahay inay afar jibaaraan gurmadkooda abaaraha ku wajahan.