Mujaahid Xasan Guure Oo Dhaliishii Ugu Cuslayd U Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Fartana Ku Fiiqay Musuqmaasuq Iyo Qaraabo-kiil Xadhkaha Goostay Oo Maamulka Xulay

0
902
Mujaahid Xasan Guure Oo Dhaliishii Ugu Cuslayd U Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Fartana Ku Fiiqay Musuqmaasuq Iyo Qaraabo-kiil Xadhkaha Goostay Oo Maamulka Xulay
Mujaahid Xasan Guure Oo Dhaliishii Ugu Cuslayd U Jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Fartana Ku Fiiqay Musuqmaasuq Iyo Qaraabo-kiil Xadhkaha Goostay Oo Maamulka Xulay

“Madaxweynuhu markii uu xukunka la wareegay  Rayaale Cawil-kan maanta  la-taliyaha u ah  wuxuu yidhi $138 Milyan  baa ku maqan, waxaana loo saaray guddi, go’aankii  ay soo saartayna xataa hal Bayj lagama hayo, sababtuna…….”

“Berigii Siyaad Barre may dhici jirin in xafiis wasiirkii fadhiyo askar albaabka la dhigo oo dadka loo diido, musuqmaasuqan maanta ammaanta ahina ma jiri jirin oo CEEB buu ahaa,   inta nin masuul ah xukuumadda katirsani nin aan aqallo iyo daaro dhaadheer jeexani ma jiro…..”Xasan Guure

Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa dhaliilo badan u jeediyey hannaanka ay wax u maamusho xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo, waxana uu soo jeediyey in shuruucda iyo xeerarka guud ee waddanka si degdeg ah loo beddelo.

Xasan Guure oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com, ayaa xusay in habka kalilya ee abaarta iyo xaaladda nololeed ee liidata lagula dagaallami karayaa tahay in la yareeyo kharashka ay isticmaalaan wasiirrada iyo la-taliyayaasha xad-dhaafka ah ee madaxweyne Siilaanyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Dawladdu waa inay kharashka badan ee khasaaraha eek u baxa ay dhintaa, sida 36-wasiir iyo soddon-neeyada la-taliye, ayaa u baahan in kharashkooda la dhimo oo abaaraha lagu bixiyo lacagaas.”

Guddoomiye Xasan Guure waxa uu carrabka ku adkeeyey in xukuumadda maanta jirtaa taxadka kasii xigto oo ay ka liidato middii dagaalka lala galay ee uu hoggaamin jirey keligii taliye Siyaad Barre, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay musuqmaasuqa iyo wax kala jiidashadu si aad ah u bateen,“Berigii Maxamed Siyaad Barre may dhici jirin  in xafiis wasiirkii fadhiyo askar albaabka la dhigo oo dadka loo diido, musuqmaasuqan maanta ammaanta ahina ma jiri jirin oo ceeb buu ahaa, waana ogtihiin inta nin masuul ah xukuumadda katirsani nin aan aqallo iyo daaro dhaadheer jeexani ma jiro, nin aan meel ay wax kasoo galaan joogin mooyaane, xafiiskaag  gashoba laaluush baa lagu weydiinayaa”ayuu  yidhi Xasan Guure Jaamac.

Waxa uu shaaca ka qaaday inuu madaxweyne Siilaanyo qariyey oo uu diiday in bulshada lala wadaago natiijada guddi baadhitaan oo loo diray madaxweyne Rayaale iyo wasiirkiisii maaliyadda oo xilligan la-taliye u ah madaxweynaha, waxana uu yidhi Xasan Guure,“Madaxweynuhu markii uu xukunka la wareegay Cawil-kan maanta la jooga ee la-taliyaha u ah iyo Rayaale wuxuu yidhi $138,000,000(boqol iyo sideed iyo soddon milyan oo dollar) baa ku maqan, waxana loo saaray guddi, go’aankii guddidaasi soo saartayna xataa hal Bayj lagama hayo oo waa la qariyey, waayo haddii sidaas lagu wado waxay noqonaysaa inay berri isagana soo gasho.”

Xasan Guure isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu dhaliilay madax-bannaanida bahda garsoorka, waxana uu farta ku fiiqay inaanay go’aanno geesinimo leh qaadan Karin, maadaama oo uu madaxweynuhu soo magacaabayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maxkamadeenau ma madax bannaana, guddidga caddaaladda oo ka kooban lix qof oo uu madaxweynuhu soo magacaabo ayaa xukunka shaqo ku leh, maxkamadduna ma  madax bannaana oo kolba sida madaxweynuhu rabo ayey yeeshaa, dalkana waxa kusoo socda tartan aan xeer lahayn.”

Waxa uu warwar ka muujiyey jawiga ay maanta ku suurtogeli karto in murrashixiinta tartanka madaxtinimo ku jirtaa iskugu tanaasuli karaan tirooyin isku dhaw,“Berigii Siilaanyo iyo Rayaale is qabsadeen Siilaanyo 80-cod buu ku tanaasulay, laakiin maanta 80-tan lagu kala tegi maayo ayaan ra’yigayga qabaa anigu,”ayuu yidhi Xasan Guure.

Ugu dambayntii waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay ku dedaalaan sidii ay masuuliyiinta dalka ugu riixi lahaayeen wax ka-beddel lagu sameeyo distoorka iyo shuruucda dalka oo uu ku sheegay qaar aan bulshada anfacaynin, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlay guddoomiye Guure uu yidhi,“Dadka waxan leeyahay cidda aad la socotaan ku cadaadiya in xeerkii loo fadhiisto oo distoorka la hagaajiyo, waxana maanta gacanta ku haya hagaajintaas saddexda guddoomiye-xisbi, baarlamaanka iyo madaxweynaha.”