Jamaal Cali Xuseen Oo Sheegay In Guddi 5 Xubnood Ahi Wada Hadalo La Furayaan KULMIYE Iyo Waddani

0
1087

-Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu magacaabay guddi ka kooban 5 xubnood oo wada hadalo la furi doonta xisbiyada Waddani iyo KULMIYE.

Jamaal, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in guddigani dhawaan bilaabi doonaan wada hadal ay la furaan labada xisbi, laakiin muu magacaanin magacyada guddigaas. Jamaal ayaa qoraalkiisa wuxuu ku yidhi “Waxaan ku war gelinaynaa dhamaan taageerayaashii Xisbigga UCID ee garabkayaga ahaa (NEW UCID) ee jeclaana inuu xisbiggani guuleysto, in aanay jirin weli xisbi aanu ku biirnay. Waxaa jiray wada hadalo hordhac ah oo aanu la yeelanay hogaamiyayaasha labadda Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani. Waxaanu inshallah dhowaan bilaabi doonaa in aanu magacowno guddi 5 qof ka kooban oo wadahadalo toos ah la geli doona labadda xisbiba. Wadahadalaasi natiijadda ka soo baxda ayeeynu ku go’aan qaadan doonaa dhamaanteen. Wadatashi faro badan waynu ka geli doonaa sidii aynu cududeena u midayn lahayn. Iyaddoo taasi jirto haddana waxaynu mar walba mudnaanta siinaynaa midnimadda iyo wadajirka Somaliland. Ilaahay qarankan Somaliland haw gargaaro; xaqana haw hiiliyo. Kuligiina isku duubnaadda si aynu cududeena oo midaysan uga wada tashano aayaheena. Waxaanu taageerayaasha uga mahad naqaynaa hiilkii iyo hooddii aad nala garab taagneeydeen.”