Suld. Dhawal Oo Guddi Gaar Ah U Xilsaaray Halka Ay Taageerayaasha Axmed Muumin Seed Iskugu Biyo Shuban Doonaan

0
774

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah salaaadiinta ugu miisaanka weyn gobolka Awdal, isla-markaana si gaar ah u taageera guddoomiyaha garabka Toosinta iyo Caddaaladda ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muumin Seed, ayaa shaaciyey in taageerayaasha garabkaasi iyaga oo midaysan siyaasadda Somaliland meel ka wada geli doonaan, isla-markaana aanay kala tafaraaruqi doonin.

Suldaan Dhawal oo ka hadlay madal ay reer Borama iyaga oo isku duuban kusoo dhaweynayeen garabka uu Axmed Muumin Seed hoggaamiyo oo halkaas boogasho ku tegay, ayaa si cad u sheegay inuu xubno guddi ah u saaray halka ay hankooda siyaasadeed ku wareejin doonaan garabkaas saluugay xisbiga WADDANI, isla-markaana ay guddidaasi dhawaan talo laga baaraan degay soo jeedin doonto, “waxan idiin ballan qaadayaa in cagtiina, codkiina iyo hantidiinuba ay meel cad mari doonaan, guddi 25-xubnood ah baan saaray oo sahan idiinku maqan, jawaabtana dhawaan baad heli doontaan haddii eebe idmo”ayuu yidhi Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.