Wadahaladii Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo Oo Dib U Dhacay

0
843

Warar hoose oo soo ka baxaya madaxtooyada Somaliland ayaa sheegaya in ay dib u dhaceen wada hadaladii magaalada Addis-ababa uga furmi laha dawlada Somaliland iyo kooxda Khaatumo.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Waxaana wada hadaladan oo sida la sheegay loo balansanaa inuu bilaabmo 17 bishan aynu ku guda jirno ay noqdeen kuwo dib u dhacay muddo 10 cisho ah,kadib dalab ka yimi kooxda Khaatum oo ku saabsan sida naloo sheegay abaaraha baahsan ee ka jira gobolka Buuhoodle.

Dalabkan ka yimi sida la sheegay masuuliyiinta kooxda Khaatumo ayaa ay dawlada Somaliland ka aqbashay,iyada oo maantana la filayay inay dalka ka baxaan xubnihii dawlada Somaliland uga qayb galayay wada hadalka u furmaya kooxda Khaatumo.

Waxaana wada hadalkan nuxurkiisu yahay sida ay xoguhu noo sheegen in laga wada hadlo sidii xal looga gaadhi lahaa nabadna loogu soo celin lahaa dagaalada ku dabada dheeraaday gobolada bariga Somaliland.