Nuxurka Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen, Waxyaabaha Diiradda La Saaray & Libin Siyaasadeed Oo Markale Midigta Guddoomiyaha KULMIYE Soo Gashay

0
1090
Nuxurka Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen, Waxyaabaha Diiradda La Saaray & Libin Siyaasadeed Oo Markale Midigta Guddoomiyaha KULMIYE Soo Gashay
Nuxurka Kulamo Qarsoodi Ah Oo Dhexmaray Muuse Biixi Iyo Jamaal Cali Xuseen, Waxyaabaha Diiradda La Saaray & Libin Siyaasadeed Oo Markale Midigta Guddoomiyaha KULMIYE Soo Gashay

Sawaxankii Jamaal Murashaxnimada Ku Baadi goobayey Oo Soo Af go’day, go’aanno Cusub Oo La Filayo Iyo Indhaha Murrashixii Hore Ee UCID Oo Goor Dambe Runta Garwaaqsaday

  • Midnimada Muuse Iyo Jamaaal Oo Ceelalyo u Noqon Doonta Cudud Bilaa Turxaan ah Oo Uu KULMIYE Markale Talada Waddanka Ku Haaneedi Karo

    Murrashixii hore ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen iyo xubno oo hoggaaminayo oo ay isku aragti yihiin, ayaa kulamo qarsoodi ah magaalada Hargeysa kula yeeshay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, waxana labada dhinac ay lafo-gur ku sameeyeen sidii ay cuddooda siyaasadda mustaqbalka dambe u midayn lahaayeen iyo arrimo kale oo dhinaca itijaaha siyaasadeed la xidhiidha.

    Sida ay ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen wargeyska Hubaal, waxa labada masuul oo hore iskugu khilaafsanaa dhinaca siyaasaddu kulamadooda bud-dhig uga dhigeen sidii ay wada-jir uga wada shaqayn lahaayeen guul uu xisbiga KULMIYE ka gaadho doorashooyinka soo socda, isla-markaana meesha looga saari lahaa is af-garan waagii dhinaca siyaasadda ahaa dhexdooda yaallay.

    Waxyaabaha kale ee kulanka dhex maray Guddoomiye Muuse Biixi iyo Jamaal Cali Xuseen lagaga hadlay, ayaa salka ku hayey sidii loo abuuri lahaa jawi is faham iyo wada-shaqayn ku dhisan oo labadan masuul dhexdooda ka dhasha, isla-markaana looga wada-shaqayn lahaa danaha xisbiga iyo ka midho dhalinta qorshaha uu xisbigu doonayo inuu hoggaanka dalka mar labaad ku qabto.

    Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen waxgarad  iyo talo-qabeen wakhti badan geliyey sidii ay labadan masuul iskugu soo dhaweyn lahaayeen, ayaa diiradda lagu saaray inuu Jamaal joojiyo sawaxanka iyo buuqa siyaasadeed ee uu muddooyinkii dambe kusoo jirey, isla-markaana u xadhko xidho sidii uu mustaqbalkiisa dambe u dhisi lahaa si uu hankiisa iyo wakhtiga ay ku haboon tahay isula sugo.

    Jamaal Cali Xuseen, ayaa sida aanu xogta ku hayno isagu aqbalay inuu hankiisa murrashaxnimo dib u dhigo oo uu wakhtigeeda la sugo, sidoo kalena ogolaaday inuu ka shaqeeyo midaynta iyo isku dubba ridka bulshada kasoo jeedda deegaanada labada siyaasi u dhasheen si ay cududooda iyo caqligoodaba iskugu geeyaan murrashaxnimada guddoomiye Muuse Biixi oo loo arko midda kale ah ee shinkeedu galay.

    Ilaa iyo imika wararka aanu ka hayno kulanka labada siyaasi, ayaan daaha ka faydin wax shuruud ah oo uu Jamaal badka soo dhigay si uu ula midoobo xisbiga KULMIYE, waxase laga yaabaa in kulamada dambe la iskula soo qaadi doono shuruudaha bud-dhigga u noqon doona wada-hadallada furmay oo haddii loo baahdana bulshada lala wadaadi doono.

    Inkasta oo aanay wada-hadallada labada masuul si buuxda usoo afmeermin, haddana inta badan mawdiicyadii kulankaas lagaga hadlay, ayuu Jamaal si buuxda u aqbalay, waxana waxgaradkii madashaas goob joogga ka ahaa ku cadaadis ku saareen inuu marwalba maanka ku hayo taageero la siiyo fursadda uu xilligan Muuse Biixi Haysto oo loo arko mid  taageero iyo midnimo dhinaca deegaannada siyaasiyiintaasi kasoo jeedaan ah u baahan.

    Fadhiyo dambe oo labadan masuul u ballameen, ayaa lagu wadaa in qoddobada la isku af-gartay lagaga dhawaaqo, waxana waxyaabaha ugu waaweyn ee kulamada dambe laga filayo kaw ka ah inuu Jamaal Cali Xuseen shaaciyo inuu ka hadhay musharraxnimadii uu dacwadeeda ka daba socday xisbiga UCID, isla-markaana uu la midoobi doono xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE.

    Tanaasulka la filayo inuu Jamaal Cali Xuseen dhawaan shaaciyo iyo weliba taageero xisbiga KULMIYE ah oo uu ku dhawaaqo, ayaa fursad lama filaan ah u noqonaysa murrashax Muuse Biixi Cabdi oo ay isku deegaan kasoo jeedaan, waxana halkaas ku midoobi doona mawjado taageerayaal ah oo markii hore kala qaybsanaa, balse go’aanka soo bixi doonaa ka dhigi karo qaar hal meel codkooda wada mariya.