Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay

0
896
Dawladda Somaliland Oo Ku Qabatay Dalka Germany Shir Balaadhan Oo Ku Saabsan Maalgashiga Somaliland
Dawladda Somaliland Oo Ku Qabatay Dalka Germany Shir Balaadhan Oo Ku Saabsan Maalgashiga Somaliland

Murashaxa iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, isagoo ka soo noqday dalka Jarmalka.

Faysal, wuxuu saxaafadda u sheegay inuu dalka Jarmalka kaga qayb galay shirkii maalgashiga Somaliland ee ay isugu yimaadeen ganacsatada dalka Jarmalka qaarkood iyo qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland. “Waxaan ku maqnaa shir laba sanno aanu ka shaqaynaynay oo aanu doonaynano inay shirkadaha Jarmalka iyo kuwa Somaliland shir wada qabsadaan, khayraadka dalkeena la soo bandhigo, xageena waxa la soo bandhigay shirkadaha ka shaqeeya Somaliland ee muhiimka ah, waxaana lagu baaqay in shirkaas shirkiisu ka dhaco Somaliland, wuxuu ahaa markaas shir lagu xayaysiinayo in shirkadaha jamarlku sameeyaan maalgashi.” ayuu yidhi Faysal oo intaas raaciyay in shirkaas ay ka soo baxday natiijo u wanaagsan maalgashiga Somaliland.