“Anigu Ciidagalena Ma Ihi, WADDANI-na Waa Koonteenar Habaryoonis, Waxaanu Ku Xidhidoona Quful..…” Faysal Cali Waraabe

0
1385
“Anigu Ciidagalena Ma Ihi, WADDANI-na Waa Koonteenar Habaryoonis, Waxaanu Ku Xidhidoona Quful..…” Faysal Cali Waraabe
“Anigu Ciidagalena Ma Ihi, WADDANI-na Waa Koonteenar Habaryoonis, Waxaanu Ku Xidhidoona Quful..…” Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga Khilaafku hadheeyey ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo Arbacadii toddobaadkii hore Garabka uu hoggaamiyaa u doortay Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas, ayaa ka hadlay khilaafka Garabkiisa iyo Garabka Jamaal Cali Xuseen hoggaamiyo iyo Dacwad Jamaal sheegay inuu Maxkamadda uga gudbinayo, waxaanu sheegay inaan Maxkamad Soomaaliya ah sida uu hadalka u dhigay oo u hadhay Jamaal jirin haddii aanu Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee Hageu u gudbinnin.

Faysal Cali Waraabe oo ku sugan dalka Jarmalka oo uu Shir kaga qaybgalay, isla markaana Weriyeyaal kala duwan oo halkaas kula kulmay waraysi la yeesheen shalay, waxa uu weeraray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku eedeeyey inuu khilaafka UCID ka dambeeyey iyo weliba Beesha uu ka soo jeedo Musharraxa Xisbigaas Cabdiraxmaan-Cirro. Waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda Abaaraha oo uu ku taliyey in si mug leh loogu gurmado dadka ku dhaqan gobollada Abaaruhu sida aadka ah u saameeyeen.

Mar uu Faysal Cali Waraabe ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida uu u arko Dacwadda uu mar kale Jamaal Cali Xuseen ka gudbiyey Faysal ahaan iyo Garabka uu hoggaamiyo ee UCID ka dib shirkii Xukuumaddu taageertay ee Garabkiisu isaga ku doortay, waxa uu yidhi; “Arrintaasi way dhammaatay, marna muu ahayn Musharrax (Jamaal), marna muu ahayn UCID, wuu na soo galay, Musharrax baan doonayaa buu yidhi, jaanis baannu siinnay, sharciga inaannu marinno weeye, sharcigu wuu dhammaaday, sharcigu wuu diiday inuu Ninkaasi Musharrax noqdo, heshiiskaannu gaadhnay waxa ku taallay hallagu dhammaystiro Shirweyne aan caadi ahayn, kii baannu geynay, Jaaniskaannu siinnayna kamuu faa’iidaysan. Maxkamaddana, haddaanu ta (Maxkamadda) Hageu I geynahayn kuwii (Maxkamadihii) Soomaaliya way ka dhammaadeen ee Ta Hageu ha I geeyo hadduu doonayo.”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe oo la weydiiyey sida uu ku dambayn karo iyo inuu dhammaaday Khilaafkaas UCID ee muddada soo noqnoqonayey, waxa uu ku jawaabay; “Khilaafka Waddani baa waday oo Xisaab samaystay, samaystay in Faysal laga takhalluso, Ciidagale Garxajis noqdo oo bilaa-macnahaa ku hadlayey, laakiin sheekadaas Jamaalna muu lahayn. Jamaal anigoon shirka qaban ayuu Tolkii u tegay, oo yidhi; ‘Anigu waan ka tanaasulayaa Musharraxnimadii’ oo uu ballan u qaaday, markaa Cali-Guray baa hadlay. Markaa, Jamaal inuu Xisbiga ku ciyaaruu u jeeday oo uu igu ciyaaro ee Nin doorasho u jeeday iyo Madaxnimo una qalma maaha.”

Mar la weydiiyey maaddaama oo Xisbiyadu Qabiilooyinka kala boobayaan wakhtiga doorashada, isaguna Faysal ahaan immika uun Musharraxnimadiisa lagu ogaaday Shirkii Garabkiisu qabsaday Salaasadii hore, Jaaniska uu heli karo, waxa uu ku jawaabay; “Faysal waa Nin Qaran, Anigu Ciidagalena ma ihi, Waddanina waa Koonteenar Habaryoonis, Quful baanannu ku xidhaynaa.”

“Anigu dalka daraf illaa daraf baan ahay ee Nin Qabiil ma ihi. Habaryoonistan Garxajiseey ku hadaaqaysaana amba waan jiray oo waan joogaye may Garxajis yidhaahdaan? Waakuwii Foodka (Codka) isiin waayaye! Cirro-han ay wataan sawtay lahaayeen ka qaad meesha adna wax kuuma taro annagana wax nooma taree, sawtaan ka ladqabaynayey ee aan Suldaan Maxamed u tegay Illaahay ha u naxariistee ee aan lahaa Tolkiibaa Ninkan ridayee ka qabo, markaa waxa weeye Xisaabtan ay Nimankan Habaryoonis isu geysteen waa Xisaab qalad ah, Xisbiyadana waxa loo samaystay in Qabiilka lagaga baxo, Maryo-alool iyo waxaan loo jeedin bay nagu soo celiyeen.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Xigasho: Ogaal