“ Waxa la xaqiijiyey Dad Gaadhaya Ilaa Hal Milyan Oo Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ka mid Ahi Inay Abaari hayso, Oo Ay Xaalad adag Ku Jiraan.” Wasiirka Madaxtooyada

0
904
“ Waxa la xaqiijiyey Dad Gaadhaya Ilaa Hal Milyan Oo Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ka mid Ahi Inay Abaari hayso, Oo Ay Xaalad adag Ku Jiraan.” Wasiirka Madaxtooyada
“ Waxa la xaqiijiyey Dad Gaadhaya Ilaa Hal Milyan Oo Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ka mid Ahi Inay Abaari hayso, Oo Ay Xaalad adag Ku Jiraan.” Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in dalka Somaliland ay ka dilaacday Abaar baaxad leh oo saamaysay nolosha in ka badan Hal Milyan oo ruux.

Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena shaaciyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay lacag dhan Sideed Bilyan oo Shilig oo u dhiganta Hal Milyan oo doolar ku wareejin doonto gudida qaran ee Abaaraha si gurmad degdeg ah loogu fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Mudane Maxamed Xaashi oo ayaa sidaasi kaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ay ku wehlinayeen guddiga qaran ee Abaaraha, iyo xubno Wasiiro ah, kaas oo maanta lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena guud ahaan dadweynaha Somaliland, dawladaha Islaamka iyo beesha caalamka ugu baaqay inay ka qayb qaataan gargaarka iyo samato bixinta dadkaasi Halka Milyan ah ee abaaraysan waxaanu yidhi “ Waxa maanta dalkeena iyo qarankeena Somaliland qaybo badan oo ka mida ah haysta abaar lixaad leh oo saamaysay wayeelo wayna u gaysatay duunyadii la dhaqanayey, dadkiina uu khatar ku jiro. Xogaha iyo warbixinaha ay soo ururiyeen hay’adaha Qaramahada Midoobay iyo beesha caalamka u qaabilsan arrimahaa iyo xogaha ay soo ururiyeen guddiga abaaraha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxweynuhu uu magacaabay iyo maamulada gobolada iyo degmooyinku, dhamaan xogahaasi waa xogo isku mid ah, waxa la xaqiijiyey dad gaadhaya ilaa Hal Milyan oo muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ka mid ahi inay maanta ay Abaari hayso, oo ay xaalad adag ku jiraan.”

“ ILAHAY ayeynu SWT ka baryeynaa inuu duruuftaa inaga samata bixiyo roobna ina siiyo, markii xogahaas la eegay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland shir degdeg ah ayuu u qabtay gudiyadii samo-falka iyo abaaraha u xil saarnaa, xogihii hay’adaha caalamiga ahi soo ururiyeena waa laysu keenay waxa la garwaaqsaday in ay lagama maarmaan tahay in shacbiga Somaliland guud ahaan, duniga Islaamka iyo beesha caalamka inaynu ugu baaqno una cadayno si rasmi ah in xaalad abaareed ay dalkii soo food saartay, loona baahan yahay in gurmad iyo taakulo degdeg ah dadkaa la gaadhsiiyo, arintaasi waa mida u weyn ee aanu jecelnahay in warbaahinta u marino bulshada Somaliland iyo beesha caalamka intabada. Abaartaa darteed waxa lagama maarmaan ah in gurmad bini-aadam nimo oo degdeg ah dadkaa walaalaheen ah ee tabaalaysan aynu la gaadhno, waxa lagama maarmaan ah in aynu qaran ahaan isku tashano, ILAHAY-na SWT barino una tooban keeno, inaguna aynu qaran ahaan isku tasho isla markaana aynu u bandhigno waayaheena iyo duruufaheena dadka wixii aynu wax wada leenahay iyo wixii inaga naxaya.”

Mudan Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Arrinta labaad waxa weeye gudidu markii ay isu timid waxa ay isla garatay in la samaayo gurmad degdeg ah iyo dhaqaale ururin degdeg ah isku tashi degdeg ah, xaaladu waa xaadlad balaadhan, waa xaalad ka sii dari karta oo loo baahan yahay in la sameeyo qorshe dhaw iyo qorshe fog. Qorshaha dhawi waxa weeye in dadkaa lagula tacaalo in goobaha ay joogaan sidii biyo iyo cunto loo gaadhsiin lahaa, qorsha dambe waxa weeye in hadii ay xaaladu sidan ka sii xumaato lagu mintido in dadku aanu madhan ama dhiman ee dadka lagu ururiyo goobo caafimaadkooda la diyaariyey, oo laga taxadaro in cuduro ay dilaacaan dadkana ay saamayso, qorshahaasna gacanta ayaa lagu hayaa.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa waxa kale oo uu ka hadlay kaalinta Xukuumadda ee gurmadka abaarahaasi waxaanu yidhi “ Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay markii aanu isku noqonay duruufo adag ayaa sanadkan qaranka saameeyey, bishii labaad waxa dhacday abaartii gobolada galbeedka, waxa kale oo Xukuumadda soo food saareeyey diiwaangalintii Codbixiyeyaasha oo aduun badan oo aan xisaabta iyo qorsha ugu jirin uga baahday, si dalkan doorasho nadiif ah looga qabto Xukuumadu dhaqaale badan ayey ku bixisay dhiig bax ayaana kaga yimid. Amniga dalkan oo ah waxa aynu ku fadhino waxa ay dawladu ku bixisaa aduun badan duruufaha iyo dhibaatooyinka imanaya laguma tallo galo waa wax soo kordha, markaa duruufo badan ayaa sanadkan Xukuumada ku yimid, markaa sidaas oo ay tahay ILAHAY mahadii waynu ka soo dabaalanay, ILAHAY ayaa inagu taakuleyey.”

“ Duruuf ayaa jirta, hadana dadkaa walaaladeen ah ee aanu dawladda u nahay waxba ka hagran mayno wixii aanu dayn u heli karno iyo wixii aanu deeq u heli karno, waxa weeye waajib qaran oo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa saaran weeye. Waxa Xukuumad ahaan uu Madaxweynuhu uu na amray in aanu arintaa gurmad degdeg ah ka galno, waxaanu guddiga abaaraha qaranka Xukuumad ahaan ku wareejinaynaa sideed bilyan oo Somaliland Shilig ah, lacagtaas oo u dhignta Hal Milyan oo doolar.” Ayuu yidhi Mudane Xaashi.