Somaliland: Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Sheegay In Sabtida Soo Socota Golaha La Hor Keenayo Mooshin Ka Dhan Ah Xukuumadda, Shirkii Faysal Cali Waraabena Ku Sifeeyay Xaq-Darro Garab Ka Heshay Madaxtooyada

0
1119
Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Iska Laab-xaadhay Mad-madow Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay
Cabdiraxmaan-Cirro Iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Iska Laab-xaadhay Mad-madow Siyaasadeed Oo Soo Kala Dhex Galay

Anigu Ragga Koowaad Ee Saxeexaya Mooshinkaasi Ayaan Ahay, Mooshin Aynu Ku Badbaadinayno Dimuqraadiyaddii Mid Aynu Ku Bad…”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Golihiisa maalinta sabtida ah ee soo socota la horkeenayo Mooshina ka dhan ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxa uu sheegay inuu isagu ka mid yahay Xildhibaanada taageersan Mooshinkaasi, islamarkaana diyaar u ah inuu noqdo Mudanaha ugu horeeya ee Mooshinkaasi saxeexaya,Waxaanu carabka kuu adkeeyay in Mooshinkaasi yahay mid dalka lagu badbaadinayo oo Lagaga saarayo Marxalada adag ee siyaasadeed ee uu hadda waajahay, iyo sidoo in Xukuumadda lagu soo dabaalo inay ixtiraamto Shuruucda dalka u dejisan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah golaha Wakiilada Somaliland oo Shalay Waraysi siiyay Tv-ga Caalamiga ah ee Horn Cable Tv ayaa si adag uga hadlay Khilaafka Xisbiga UCID iyo shirkii uu Gudoomiyaha Xisbiga UCID qabsaday,waxa uu sheegay in Faysal hiil ka haysto Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye,waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Baryahanba Waanu maqlaynay Waxa Xisbiga UCID Haysta,Waxa Xisbiga Haystaa waxa weeyi libin uu Faysal ka haysto Xukuumadda,Iyo Xisbiga KULMIYE,Wax Allaale iyo wax kale oo haystaa majiro,Dhibaatada ina haysataana waxa weeyi,Marka Xukuumadeenii aynu dooranay noocaasi ku dhaqanto,Dee Geel duq ayaa loo tumaaye,halka inoo hadhay ee aan ku eersanayno Anigu garan maayo”
Waxa kale oo uu yidhi“Shuruuc ayaa jirta ina kala ilaaliya,Hadii kale sidii Shalay ayaynu noqon,Shalay Saw qolo waliba Kaantarool may lahayn,Koontarooladii waxaynu u baabiinay oo aynu distoorka u samaysanay,Waxa weeyi inaynu dawlad noqono,Haddii kale Nin waliba Kaantaroolkiisii ayuu haysan lahaa,Xukuumadii ugu xumayd ee Shuruucda dalka ku tumata, waa tan maanta ina haysata,si aynaan u cidhib gu’in,Waxaan leeyahay Taasi mooshin sabtida hala soo dhigo,Anigu ragga koowaad ee saxeexaya ayaan ahay,Mooshin aynu ku badbaadinayno Dimuqraadiyadii,oo aynu ku badbaadinayno Wixii tacab ina soo galay ee ina soo maray,oo aynu ku badbaadinayo Doorshooyinka”.
Isagoo la hadlaya Gudida Diwaangalinta ururada Siyaasada Somaliland ayaa waxa uu yidhi “la buri Gudiyeey Go’aankiinii,oo waliba shir gaar ah ayaa la qabsaday,halkaasi iyada ahina way idiin taalaa,Ama dalka nin ayaa qabsaday oo Madaxtooyada ayaa qabsatay,Ama Hay’ad kastaaba Xaqeedii wixii loo dhimay,Xaq ayay u leedahay inay ka daba tagtee,Dee Xilkeeda ayaydin gudan,oo waydin cambaarayn shirkaasi siduu u dhacay”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa dhawaan sheegay mar uu ku sugnaa dalka Imaaraadka carabta in aanu ku faraxsanayn qaabkii xisbigiisa WADDANI u qabsaday shirweynihii golaha dhexe ee uu ku kala reebay musharraxiinta.