Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Doorashadii Lagu Kala Calaf Qaaday Ee Madaxtinimada Maraykanka Iyo Nuxurka Tallooyin La Xidhiidha Hoggaaminta Dalkaas Oo Uu U Diray Madaxweynaha Cusub

0
1028

Aniga Oo Ah Madaxweynihii Qarankan, Waxaan Ka Soo Horjeedaa In La Cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-Banaan. Fikirkaasi Waxa Uu Ahaa Mid Aan Caan Ku Ahaa Doodiisa Iyo Dagaalkiisa…..” – Madaxweyne Siilaanyo

“Maraykanka Oo Ah Dal Ay Dunidu Waxyaabo badan kaga Dayato, Dadkeyguna Waxaa Ay Ku Kalsoon Yihiin Inaad Sii Wadi Doonto Waajibaadka USA Kaga Beegan Caalamka”

“Mudane Madaxweyne, Haatan Oo Doorashadii Lagu Kala Calaf Qaaday, Waxa Lagama Maarmaan Ah Inaad Ummadaada Midayso Mid Kuu Codeeyey Iyo Mid Kaa Codeeyeyba”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii u horreysay ka hadlay natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalka Maraykanka ka qabsoontay dorraad, taasi oo uu ku guulaystay Musharraxii Jamhuuriga ee Donald Trump. Madaxweyne Siilaanyo oo xalay war murtiyeed bogaadin ah kazoo saaray qasriga madaxtooyada waxa uu tallooyin iyo dardaaranno u soo jeediyey Madaxweynaha cusub ee doorashada ku guulaystay, kaasi oo noqonaya madaxweynihii 45aad ee dalkaasi yeesho.

War murtiyeedkan oo laba luuqadood ku kala qornaa [Ingiriisi iyo Somali] oo nuqul kamid ahi cawayskii xalay soo gaadhay wargeysyada waxaa uu u dhignaa sidan: “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka dalkayga iyo dadkayga waxan kugu hambalyeynayaa guusha aad ka gaadhay Doorashadii ay shacabka Maraykanku kuugu doorteen inaad noqoto Madaxweynahoodii 45-aad. Mudane Madaxweyne, haatan oo Doorashadii lagu kala calaf qaaday, waxa lagama maarmaan ah inaad ummadaada midayso oo aad u damaanad qaado horumar iyo barwaaqo, mid kuu codeeyey iyo mid kaa codeeyeyba. Dalka Maraykanka oo ah dal ay Dunidu kaga dayato waxyaabo badan gaar ahaan xagga xorriyada, dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadamaha, Dadkayga iyo dalkayga Somaliland waxay ku kalsoon yihiin in Xukuumadaadu ay sii wadi doonto gudashada xilka iyo waajibaadka Maraykanka kaga beegan Bulshada Caalamka.

Axmed Maxamed Silanyo”. Ayaa lagu yidhi war murtiyeedkaas ka soo baxay madaxtooyada ee xambaarsana hambalyada uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, u diray Madaxweynaha cusub ee USA Mr.Donald Trump. Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa sheegay in inuu kasoo horjeedo cabudhinta iyo cadaadis kasta oo ka dhan ah saxaafadda madaxa bannaan, isla-markaana ay ka go’an sidii gef kasta oo saxaafadda ka yimaadda loogu mari lahaa shuruucda dalka u yaalla.

Madaxweyne Siilaanyo oo maalintii shalay ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey maalinta Saxaafadda Somaliland oo loo aqoonsan yahay 9-ka bisha November, ayaa hoosta ka xarriiqay inaanay waxba iska beddelin dagaalkii iyo dooddii uu saxaafadda madaxa bannaan ku taageeri jirey xiligii uu mucaaridka ahaan jirey, “Aniga oo ah Madaxweynihii qarankan, waxaan ka soo horjeedaa in la cabudhiyo Saxaafadda Madaxa-banaan. Fikirkaasi waxa uu ahaa mid aan caan ku ahaa doodiisa iyo dagaalkiisa. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Nin hadduu seexdo, oo soo tooso, waa isagii”. Sidaa darteed, waxaan leeyahay ma jiro wax maanta iska-kay bedelay, ee sidii baan u aamin-sanahay arragtidaa siyaasadeed. Suxufiga sharci darro laguma xidhi karo, lagumana xad-gudbi karo. Hase-yeeshee, Suxufigu waa bini’daam gafi kara, haddii lagu eedeeyo dunuub ama xuquuq dad muwaadiniin ah oo uu ku xad-gudbay, waa in loo maraa dariiq sharci iyo garsoor madax-bannaan” ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweynuhu waxa uu hay’adaha kala duwan ee qaranka ku boorriyey inay dhawraan xuquuqda saxafiga, halka uu saxaafadda madaxa bannaan ku adkeeyey inay ka feejig-naadaan waxkasta oo dhaawici kara maslaxadda qaranka, waxana uu yidhi, “Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga iyo Maamullada Gobollada Dalka, inay ixtiraamaan, isla markaana dhawraan xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyo suxufiyiinta. Dhinaca kale, Saxaafadda waxa waajib ku ah, ilaalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana in ay u hawl-gasho si wadaniyad iyo dal jacayl leh. Sidaa awgeed, waxaan u soo-jeedinayaa inay ka feejignaato baahinta wararka laf-jabka ku ah maslaxadda iyo danaha qaranka.”

Mudane Siilaanyo waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu si kal iyo laab ah usoo dhaweynayo dhaliilaha saxaafadda madaxa bannaani soo gudbiso iyo toosintoodaba, balse ay reeban tahay bac-riminta wixii aan sugnayni, “Waxaan soo dhaweynayaa, dhaliilaha dhabta ah iyo talooyinka toosinta xambaarsan ee saxaafadda madaxa-bannaani maamulkayga u soo jeedinayso. Waxaan dulqaad weyn u leenahay dareemmada togan ee Dawladdayda lagu durayo, balse waxa reebban been abuurka iyo wararka aan sal iyo raad toonna lahayn, kuwaas oo loo baahan-yahay in Saxaafadda iyo Suxufiyiintu ka waantoobaan” ayuu yidhi madaxweynuhu.