Donald Trump Waxa Madaxweyne Ka Dhigay Dabaylaha Isbedel Doonka Ee Shacabka

0
913

Donald Trump ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka kadib guul aan marnaba laa saadaalin oo uu ka gaadhay doorashooyinkii dhacay.

Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka adkaaday musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Hillary Clinton oo dad badan ay saadaalinayeen inay guuleysan doonto.

Trump ayaa ku guuleystay inta badan gobolladii muhiimka ahee ee loolanka adag uu ka taagnaa sida Florida, Ohio, Iowa, Wisconsin iyo North Carolina.

Hase yeeshee arrinta yaabka leh ayaa noqotay in Trump uu sidoo kale ku guuleystay gobollo aan ku dhowaad 30 sano aanu ku guuleysan musharax ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida Pennsylvania iyo Wisconsin.

Donald Trump oo ah maal qabeen, ayaa helay in ka badan 270-ka Codadka loo yaqaan Electoral College ee ah ergada u codeysa madaxweynaha.

Guusha Trump oo 70 jir ah ayaa doorashadiisan ay dad badan lama filaan ku noqotay, maadaama khubrada siyaasadda iyo codadka ra’yiga ee la uruuriyo ay saadaaliyeen inuu haysto wax ka yar 10% fursad ah.

Trump ayaa xafiiska la wareegi doona 20-ka bisha January ee 2017-ka.

Hambalyada madaxda dunida

Inta badan madaxda waddamda ku yaala bariga dhexe ayaa soo dhaweeyay guusha Trump uu ka soo hooyay doorashadii Mareykanka.

Madaxweynaha Iran, Xasan Rowxaani, waxa uu sheegay in aan marnaba laga laaban karin heshiiskii dhanka Niyuukleerka ee uu dalkiisa la galay quwadaha caalamka.

Trump ayaa hore u sheegay in heshiiskaasi uu ahaa heshiiskii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Mareykanka.

Rowxaani waxa uu sheegay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ansixiyay heshiiskaasi, sidaa awgeedna hal waddan uusan waxbo baddali karin.

Boqorka Sucuudiga boqor Salmaan ayaa u rajeeyay Trump in uu ku guuleysto amniga iyo xasilinta bariga dhexe.

Ra’iisalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Trump ku tilmaamay saaxibka dhabta ah ee Israa’iil.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Trump u diray dhambaal uu ugu hambalyaynayo, waxa uuna sheegay in uu rajaynayo in ay ka wada shaqayn doonaan sidii loo wanaajin lahaa xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.

Madaxda Midowga Yurub ee kala ah Donald Tusk iyo Claude Juncker ayaa iyaguna Trump u diray hambalyo kal iyo laab ah, waxa ayna ku casumeen in uu soo booqdo Yurub.

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisi ayaa shaqo wanaagsan u rajeeyay Trump, waxa uuna sheegay in uu rajeynayo in uu dib u soo noolayn doono xidhiidhka ka dhexeeya labadooda dal.

Madaxweynaha Falastiyiniinta Maxamuud Cabbaas ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in uu u hambalyaynayo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, isla markaana uu rajeynayo in nabad la gaadhi doono muddada uu xilka hayo.

Ra’iisalwasaaraha dalka India Narendra Modi waxa uu dhankiisa sheegay in uu rajeynayo in uu si dhow ula shaqeeyo Donald Trump, si heer kale loo gaadhsiiyo xidhiidhka labo geesoodka ah ee u dahxeeya waddamada Mareykanka iyo India.

Lu Kang oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in ay rajaynayaan in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee Mareykanka si loo sii dhiirigeliyo xidhiidhka u dhaxeeya labadooda dal, balse marna ma uusan sheegin magaca Trump.

Ra’iisalwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa hambalyo ka dib ugu baaqay Donald Trump in uu Turkiga u soo gacan geliyo wadaadka Fatxullah Guleh oo xukuumadda Ankara ay ku eedeysay in uu soo abaabulay inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi Turkiga.

Obama oo u hambalyeeyay Trump

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa taleefoon kula hadlay madaxweynaha la doortay ee Donald Trump si uu ugu hambalyeeyo guushiisa.

Obama ayaa Trump ku casumay aqalka cad ee mareykanka looga arrimiyo, halkaas oo ay ku kulmi doonaan khamiista maanta. Kulankooda ayaa waxa ay uga wada hadli doonaan kala guurka uu dalka galayo.

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale taleefoon kula hadlay Hillary Clinton, waxa uuna ugu hambalyeeyay dedaalkeeda ololaha doorashada.

Gunaanad

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in doorashada Mr. Donald Trump ay sabab u tahay dabaylaha isbedel doonka shacabka Maraykan oo u muuqda inay ka niyad jabeen siyaasadaha xisbiga Dimuqraadiga islamarkaana ay door bideen inay sannado kale eegaan xisbiga Jamhuuriga, mar haddii uu Dimuqraadigu laba xilli doorasho kursiga fadhiyay.