Anigu Sidii Uu [Jamaal] Igu Yidhi Ayaan Kula Shaqeeyay Oo Xal Baan U Arkayay’e Miyaan Qaldanaa Mise Waan Khiyaameeyay, Mise Hiilkii Aan La Barbar Joogay Ayaan Kaga Baxay?”

0
897

“Jamaal Dad Baa Helay Kale Oo Go’aankiisii Beddelay Laakiin Waa Godob Taalla Oo Ma Duugoobayso Ee Cid Waliba Ha Ogaato”

“Maalintii Ugu Horraysay Ee Uu Jamaal Ii Xaqiijinayey Tanaasulkiisa Keligii Muu Ahayn Ee Markhati Bay Lahayd Oo Gurigayga Ayuu Iigu Yimi”

***********

“Hadal Afka Jamaal Kasoo Baxa Ee Iigu Dambeeyay Waxa Uu Ahaa ‘Muuse Ayaan U Tanaasulayaa’, Aniguna Jawaabtii Aan Siiyey Waxay Ahayd, Muuse Ha U Tanaasulin Ee HABAR AWAL U Tanaasul, Si Uu…”

Guddoomiye-ku-xigeenkii saddexaad ee hore ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa fashiliyey in Jamaal Cali Xuseen uu ka tanaasulay murrashaxnimadiisii madaxweynenimo ka hor shirarkii is khilaafsanaa ee xisbigu ku qabsaday Hargeysa Salaasaddii. Cali Guray oo isagu aan ka qaybgalin labada shire ee UCID midna, ayaa caddeeyey sababtii uu uga maqnaaday oo uu ku saleeyey go’aan ay hore u isugu ogaayeen Jamaal Cali Xuseen oo ahaa inuu ka tanaasulay murrashaxnimadiisii, waxaannu daboolka ka qaaday kulan dhexmaray labadooda iyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi. Siyaasiga Cali Guray oo qoraal uu arrintan kaga hadlayo ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook, waxa uu yidhi, “Anigu lama yaabani Muuse Biixi ee yaan waxba Carrabka lagu badin, meel buu ku socdaa sidii uu ku gaadhi karo amma uu is yidhaa waad ku gaadhi kartaa sax iyo qaladba wuu isku deyi karaa, isaga oo Jamaal gadhka hayana goob-joog baan u ahaa oo dhawr toddobaad ayaa loo kala dab qaadayey inkasta oo goor dambe aan ogaaday qofka i soo ogaysiiyay ee aan ka aqbalay, kuna raacay Ilaahay baa xaqa jecele aannu Muuse ahayn ee uu ahaa Jamaal Cali Xuseen oo aniga ay xaggiisa igaga timi, Jamaal-na uu si buuxda u aqbalay inuu tanaasulo. Sidiina aannu kula kulanay markii ugu horreysay Muuse Biixi subaxnimadii uu weftiga Madaxwaynaha u raacayey Addis Ababa, keligayana maanu ahayn ee dad kale ayaa goob-joog ahaa. Maalintii ugu horraysay ee uu Jamaal tanaasulkiisa ii xaqiijinayey gurigayga ayuu iigu yimi keligiina muu ahayn ee markhati bay iyaduna lahayd. Isla Jimcihii ugu dambeeyay ayuu haddana isaga oo keligii ah guriga iigu yimi manuu igu odhan wax baa isbeddelay ee wuxu ii xaqiijiyay inuu tanaasulayo.” Waxa kaloo uu iftiimiyey sababtii uu isagu ugu raacay Jamaal Cali Xuseen go’aanka uu ku tanaasulay iyo qorshihii ay isku ogaayeen ee ay ku kala maqnaayeen ka hor shirkii uu bannaanka ku qabsaday, “Anigu sidii uu maalintii ugu horraysay igu yidhi ku shaqee ayaan kula shaqeeyay, markaan qofkan tuuga ah, ee beenaalaha ah, ee khaayinka ah ee bilaa damiirka ah, ee bilaa dadnimada ah, ee bilaa wacadka ah, ee bilaa diinta ah, noociisa arkayayna Jamaal arrinka uu isagu iila yimi waan ku raacay, waayo xal baan u arkayey ee miyaan qaldanaa mise waan khiyaameeyay, mise hiilkii aan la barbar joogay ayaan kaga baxay? Hadal afka Jamaal ka soo baxa waxa aniga iigu dambeeyay ‘WAAN TANAASULAYAA oo Muuse ayaan u tanaasulayaa. Jawaabtii aan siiyay waxay ahayd ha u tanaasulin Muuse ee ‘Habar Awal u tanaasul’ si berri ka maalin adigana markaaga laguugu tanaasulo khasaarihii qofkan waalani ku gaadhsiiyayna tacwiid uga hesho. Dibna umaanu kulmin ilaa hadda,” ayuu yidhi Cali Guray, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Markaa Jamaal dad baa helay kale oo go’aankiisii beddelay waxa uu ku qancay oo aan ahayn in kani (Faysal) dhulka jiid-jiido oo ay u tareena anigu ma garanayo, laakiin ku badbaadi maayo xumaantiisa ee waa godob taala oo ma duugoobayso ee cid waliba ha ogaato. Muuse Biixi haduu hoosta soo gashado uu iiga dhigo geesi isaga u hiiliyey isaga leh waaye, anigu kulama jiro, godobtaana waan daba joogayaa halkii ay doonto iyo intii ay doonto ha igu qaadato.”