Somaliland:Ardaydii ka Aflaxday Kulliyada Maamulka Dawliga ah ee Machadka Shaqaallaha Dawladda Oo Maamuusay Macalimiintoodii

0
815

Ardaydii Sabtidii toddobaadkan ka aflaxay kulliyada maamulka dawliga ah (Public administration) ee machadka shaqaalaha dawladda  Somaliland ee Civil Service Institute  (CSI), ayaa shalay xaflad hadhimo sharafeed ah ugu sameeyay   Huteelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, maamulka machadka iyo macalimiintoodii,  waxaanay  shahaado sharafyo kala  gudoon siiyeen maamulka  iyo macalimiintoodii. Xafladaas waxa ka soo qeyb galay  Agaasimaha fulinta  Machadka shaqaalaha dawladda, Mr. Guulleed Saleebaan Hagoog, madaxda kulliyadaha kala duwan ee machadka iyo qaar ka mid ah bareyaasha machadka.

Guddoomiyaha ardaydii dhammaystay  kulliyada maamulka dawliga ah   ee dufcadii 5-aad, Mr. Maxamed Ciise Cigge (Tiyote) oo ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in ardaydiisii go’aansadeen inay maamulka jaamacadda iyo macalimiintoodii soo gaadh siiyay inay ku guulaystaan shahaadada koowaad ee Jaamacadda, ay u garteen inay ku abaal mariyaan shahaado sharafyo  ay ka mutaysteen.

“Waxaanu go’aansanay inaanu maamulka CSI iyo macalimiintii kartida badnayd ee  u heelanayd inay soo saaraan dad ka tirsan shaqaalaha dawladda oo leh aqoon  ay  ku tayayn karaan shaqadii ay bulshadda u hayeen. maanu xaqiijin karnayn  himiladayada haddii aaney noo darbanayn macalimiinta iyo maamulka CSI. Waxaad naga mudnaydeen  shahaadooyinkan iyo kulankan kooban wax ka badan,”ayuu yidhi Maxamed Ciise Cigge.

Axmed Maxamed Faarax oo isna ahaa qaban-qaabiyihii xafladaas ayaa sheegay in Machadka shaqaalaha dawladdu yahay laambad  iftiin u ah  xukuumadda Somaliland, waxaanu  xusay  in fasalkooda ay ku jireen Taliyeyaal ciidan, Saraakiil dawladeed, maamuleyaal iyo shaqaale caadi ah isla markaana ay juhdi ugu jireen inay kasbadaan aqoon iyo waayo aragnimo ay mustaqbalka  ku tayayn karaan nidaamka shaqada  xafiisyadii ay ka yimaadeen.

“Waxay ahayd saddex sannadood oo aad u adag oo tacab badan nala geliyay, annaguna (Ardayda) aanu la nimid dedaal aanu kaga midho dhalinay inaanu soo gaadhno heerkan. Nidaamka machadku u shaqeeyaa waa mid tusaale wanaagsan u noqon kara dawladda oo dhan. Ardayga habsankiisu gaadho toddoba maalmood bishii waxa laga saari jiray imtixaanka, taasina waxay ahayd sharci loo baahnaa oo arday kasta lagu fulin jiray haddii uu ka habsaamo waxbarashadiisa.”

Sidoo kalena Cumar Maxamed Faarax oo isna ka mid ahaa ardayda ka baxday kulliyada maamulka dawliga ah, ayaa sheegay in machadku aanu waxbarasho kaliya siinin ardaydiisa, hase yeeshee uu uga digo  caadooyinka xun-xun, waxaannu yidhi “Mudadii aanu  machadka wax ka dhiganaynay waxbarashada waxa noo dheerayd in maamulka iyo macalimiintuba ay awooda saari jireen  baraarujin  la xidhiidha in laga dheeraado dhaqamada xun xun ee musuqa, khiyaamada iyo shaqo xumadu ka mid yihiin. Runtii waxaanu ku dedaalaynaa inaanu aqoontii aanu baranay dib ugula noqo xafiisyadii aanu ka nimid.”

Agaasimaha fulinta ee Machadka shaqaalaha, Guulleed Saleebaan Hagoog oo ka hadlay madashaas ayaa  u mahad celiyay ardayda garatay inay macalimiintoodii wax soo baray maamuusaan, waxaanu tilmaamay in  ujeedooyinka machadka ay ka mid tahay inay kor u qaadaan aqoonta hawl wadeenadda dawladda, waxaanu ku booriyay ardaydan inay  si wax ku ool ah ugu adeegaan bulshadda oo ay shaqo wanaag ka muujiyaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda ee ay ka yimaadeen.

“Waxaanu si dhow ula socon doonaa sida aad ugu shaqeysaan aqoontii aad machadkan ku qaadateen. Waxaan ku kalsoonahay inaad  hufnaan iyo maamul wanaag ku sifoobi doontaan marka aad tagtaan goobaha shaqada,”ayuu yidhi Agaasimaha Fulinta CSI, waxaanu intaas ku daray “Waxa  machadku  bixiyaa aqoon heer jaamacadeed iyo Diploma iskugu jirta  oo  si toos ah ula xidhiidha shaqada laamaha dawladda.”

Sidoo kale, Macalin Cabdilaahi Daa’uud oo ku hadlayay magaca macalimiinta ayaa ku dheeraaday dardaaran culus oo ku sagootiyay ardaydiisii, waxaanu u soo jeediyay in aqoontu aanay waxba qabanaynin haddii aanu qofku la iman damiir nool iyo waddaniyad.

Ugu dambayn waxa Maamulka CSI  shahaadadii loogu tallo galay u gudoomay Agaasimaha fulinta CSI Guulleed Saleebaan, halka bareyaashana shahaadadoodii uu u gudoomay Macalin Cabdilaahi Daa’uud.