Somaliland: Dhoollatus Lagu Casuumay Hoggaanka KULMIYE Oo Ay Sameeyeen Degmooyinka Gacan-Libaax, Macallin Haaruun Illaa Cadaadlay

0
993

Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka bariga magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u muujiyey taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka KAAH ee magaalada Hargeysa maanta, waxa shacabka degmooyinka Gacan-libaax, Macallin Haaruun ilaa Cadaadlay, salaadiinta iyo cuqaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradkooduba ku soo bandhigeen baaxadda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE, taas oo lagu casuumay hoggaanka xisbiga oo uu hormuud u yahay Guddoomiye Muuse Biixi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, Xoghayaha Guud yo xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka mahadceliyey taageerada ay muujiyeen dadka deegaankaasi, waxaanu xusay inay taageeradoodu wax weyn ka tari doonto hayaanka xisbigu ugu jiro inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.

Suldaan Maxamed Suldaan Xasan-Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, Suldaan Badda Cas, Chief Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf iyo weliba aqoonyahan Maxamed Xaaji Cabdi oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa carrabka ku ballaadhiyey inay muujinta taageerada xisbiga KULMIYE dhab ka tahay, isla markaana si buuxda taageero hiil iyo hooba le hula garab taagan yihiin xisbiga.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Xildhibaan Saleebaan Cawad Cige (Bukhaari) iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah, ayaa iyaguna taageerayaashii xafladda isugu yimi xusuusiyey taariikhda ma duugaanka ah ee xisbiga KULMIYE iyo murrashax Muuse Biixi ku sifaysan yihiin, waxqabadka hirgalay ee xisbal-xaakimka ka fuliyey dalka muddada uu xilka hayey, laguna daroon doono, waxaanay hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay sidii fursad kale oo uu dalka ku hoggaamiyo loo siin lahaa xisbiga KULMIYE, si waxqabadkaasi u noqdo mid midho dhala oo halkii la rabay gaadhsiisan.

Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), Duulista Hawada Md. Farxaan Aadan Haybe, Hawlaha Guud Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan) iyo Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Ismaaciil Baandare iyo weliba Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Daakhiliga Md. Maxamed Muuse Diiriye oo dhammaantood khudbado ka jeediyey xafladda, ayaa taageerada shacabka bariga magaaladu u muujiyeen xisbiga KULMIYE ku tilmaamay mid marag u ah awoodda iyo taageerada uu xisbiga KULMIYE bulshada dhexdeeda ku leeyahay.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf, ayaa labadooduba farxad ku soo dhaweeyey shacabka u muujiyey inay barbartaagan yihiin xisbal-xaakimka, iyagoo ka warramay taariikhda aan duugoobin ee ay dadkaasi ku lahaayeen halgankii dalka lagu xoreeyey iyo aasaaskii iyo guulihii xisbiga KULMIYE gaadhay, waxa kaloo ay ku boorriyeen in bulshada in waqtiga codka la bixinayo xil weyn iska saaraan sidii ay Guddoomiye Muuse Biixi fartooda ugu dooran lahaayeen Madaxweynaha mustaqbalka ee dalka Somaliland.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mahadnaq iyo bogaadin kaga dareen-celiyey taageerada shacabka bariga Hargeysa u muujiyeen, waxaannu tilmaamay in xisbigu u taaganyahay sii ambo-qaadista waxqabadka Madaxweyne Siilaanyo ka sameeyey dalka, waxaannu yihdi, “Taageeradaas aynu isugu nimi iyo xisbiga iyo barnaamijkaas aynu wadaagnaa waa aragtida xisbiga KULMIYE ee qayteedii hore uu fuliyey Madaxweynaha Somaliland, waxaynu isugu nimi in waxa aynu qabanaynaa  noqdaan wax daacad ah oo aynu aakhirada iyo ifkeenaba u tudhano, ta labaadna waa inaynu dalkeena u halganno oo u horseedno inuu dadkeenu is-aamino oo aynu dar Ilaahay iyo waddaninimo ku midayno oo aynu ubadkeena soo socda u samayno mustaqbal ka wanaagsan maanta halkaynu taaganahay, innaga oo fulinayna intii inala midka ahayd ee naftooda u hurtay inay mustaqbalka Somaliland ka dhigaan mid ka  wacan maalintii ay dagaallamayeen.”

“Maanta tartanka xisbiyada ka dhaxeeya inaynu muujinno dulqaad oo haddii la inaga gardarraado ama qadaf la inagu sameeyo aynu u dulqaadanno oo aynaan noqonin xisbiyada dadka u horseeda ummadda khilaaf iyo caytan oo aynu horseed u noqono inay xisbiyadeenu noqdaan qaar dadka u horseeda wanaag, is-dhexgal, mustaqbal iyo barnaamij lala yimaaddo,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu ka hadlay rabshadihii ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Isniintii oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan labaatan qof, waxaannu yidhi, “Arrintii ka dhacday Garoonka kubadda ee Hargeysa dar Ilaahay haddii aynu is naqaanno xaafadda Axmed Dhagax arrintaa ma gaydo, waayo waa xaafaddii ciidankeeda loogu hor qarameeyey ee aasaaska nabadda Somaliland kow ka ahayd, suldaankii ugu horreeyey dalka nabaddiisa ee ilaalinayey oo ah Suldaan Maxamed Faarax waa xaafaddiisii, magaca mujaahid Axmed Dhagax ee xaafadda oo ah ninkii markii Hargeysa la soo galay ee xaaladdu adkaatay yidhi ‘waa lagu jirayaa Hargeysa oo korkeeda ayaa lagu noolaanayaa ama waa lagu dhimanayaa ee lama baxayo.’ Markaa waxaan hubaa in xaafadda lagu soo dhex dhuuntay, waxaanse is waydiinayaa ninka maanta ciyaaraha fidmada ka dhex tuuraya ee laga yaabo inuu qaranka hoggaamin ka doonayo talow xaggee buu inoo wadaa.”