Madaxweyne SIILAANYO Oo Miishaar Afweyn Ku Kala Haadinaya Xukuumadiisa, Wasiiro Cabsi Daris La Noqdey Iyo Xubno Weydaaran Doona Tareenka Xukuumadda.

0
923
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay
Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay

Wasiiro Iyo Agaasimayaal Guud Oo Macasalaameynaya Xukuumadda SIILAANYO Iyo Xubno Bedel U noqonaya Oo Darka Tuban

Madaxweyne siilaanyo ayaa isku shaandhayn balaadhan ku kala haadineyna golaha xukuumadiisa isagoona isku shaandhaynta diirada ku saaraya Wasiiro iyo agaasimayaal guud oo ka tirsan Golaha xukuumada, isku shaandhaynta ayaa lagu macneeyey mid looga gol leeyey in tareenka lagu soo saaro xubno cusub iyo rugcadaa hore oo la jaanqaadikara kaambaynka doorashadda kuwaas oo lagu waado inay si fiican uga ciyaaraan moorada siyaasada ee dalka.
ilo xogagaala oo dhaq-dhaqaaqa diirada ku haya ayaa wargeyska SAHAN u xaqiijiyey in digreetada Madaxweynuhu Xubno Badan xilka Ka tirin doonto badelkoodana madaxweyne siilaanyo cugtay in ay tareenka la raacaan. xogaha ayaa tibaaxaya In wasiirada qaar laga bedelayo Wasaarada hooga iyagoona wasaarado kale lageyn dooro wasiirada ilaa hada seeftu haysato ayaa la wariyey inay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta Cali shoonbe ,

Wasiirka Wasaarada Warfafinta cadaani, wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil , wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta iyo agaasimayaal tiro ah Oo Ka Mid Yahay Sheekh Saleebaan Siciid Cali , isku shaandhaynta madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ubadan tahay wasiiru dawlayaal cusub waxaana lagu fasiray shax lagu dhaqaajinayo mishiin taageero doon u ah xisbiga Kulmiye. Digreetada madaxweynaha ayaa lagu wadaa in sanqadheeda la dareemo maalinta khamiista ee hal maalin inaga xigto.