Donal Trump Oo Qarka U Saaran Inuu Noqdo Madaxwaynaha Maraykanka. Halkee La Kala Marayaa??

0
843

Natiijooyin aan la fileyn ayaa ka soo baxaya doorashooyinka Mareykanka, iyadoo Musharaxiinta kala ah Hillary Clinton iyo Donald Trump ay aad isugu dhow yihiin, waxaana soo baxay wixii la saadaalinayay si ka duwan.
Labada Musharax ayaa aad isugu dhow, waxaana Donald Trump uu si cajiib ah ugu soo baxay gobolo aan la fileyn inuu codod ka helo.
Musharaxiinta ayaa kala maraya 215 oo ay leedahay Hillary Clinton iyo Donald Trump oo leh 245, waxaana Mr Trump uu ku guuleystay Gobolada OHIO oo markii hore ay ku horeysay Hillary.

Natiijada ayaa ah kuwo is bed bedelaya, oo wali la sugayo tirinta cododka gobolada qaar ee Mareykanka, waxaana lagu loolamayay illaa 12 gobol oo ah kuwo loo yaqaano gobolada is bed bedelaya.
Sidoo kale Mr Trump ayaa ku guuleystay Gobolka North Corolina, iyadoo Hillary Clinton ay si lama filaan ah hoos ugu dhacday.
Gobolada Florida, Pennsylvenia, Machican ayaa la sugayaa natiijada ka soo baxda, waxaana soo baxaya saadaal ka duwan sidii la filayay.
Labada Musharax ayaa laga doonayaa 270 cod, waxaana laga yaabaa hadii aanay labada Musharax gaadhin ay u baahnaan doonaan in loo laabto Aqalka Congress-ka.