War Deg Deg Ah: Xisibiga UCID Oo Cod Gacan Taag Ah U Qaadey Heshiishkii Uu Xisbigu La Galay Musharax Jamaal Cali Xussen , Go,aana Ka Gaadhey

0
775

Shirkii aan caadiga aheyn ee xisbiga UCID maanta ku
qabsadey magaalada Hargeysa waxaa uu go,aan ka gaadhey heshiiskii xisbigu la galay garabkii ka yimid xisbga UDUB ee uu hogaaminaayey Jamaal Clai Xussen

madasha shirku ka furmay waxaa fadhiyey 261 ergay waxaana ay cod gacan taag ah ku laaleen gabi ahaanba heshiiskii ku meel gaadhka ahaa ee xisbiga UCID la galay garabkii xisbiga UDUB ee uu hogaamiyey Jamaal Cali Xussen .
Cid diiday ma jirto cid ka aamusteyna ma jirto waxaana sidaas ku laalmay maanta laga bilaabo gabi ahaanba heshiiskii xisbiga UCID la galay garabkii Jamaal Cali Xussen

Sidoo kale waxaa ay ergooyinku cod taag ah ku meel mariyeen kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyey xeer hoosaadka xisbiga