Magacyada Afar Qareen Oo Ay Maxkamadda Hargeysa Ku Xukuntay Hal Sanno Oo Xadhig Ah

0
1221

Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa min hal sanno oo xadhig ah ku xukuntay afar qareen oo difaacayay eedaysanayaal kaaliyayaal ka ahaa maxkamadaha oo loo haysto inay warar dacaayad ah ka faafiyeen garsoorka Somaliland.

Guddoomiyaha maxkamada gobalka Maroodi-jeex Axmed Dalmar, ayaa warbaahinta u sheegay in qareenadani khalkhal geliyeen hab sami u socodka maxkamadda, ka dib markii ay dadweynihii maxkamadda fadhiyay ka codsadeen inay maxkamadda ka dareeraan.

Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in garsooraha xukunka ku riday uu adeegsaday awood sharci oo uu leeyahay, sidaasna uu ku xukumay min hal sanno oo xadhig ah.

Laakiin guddoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka madaxabanaan ee Somaliland Md. Guuleed Dafac, ayaa isna difaacay qareenada xukunka lagu riday, waxaanu sheegay inay afarta qareen sameeyeen is-hortaag ay awood sharci u leeyihiin.

Geesta kale, qareenada madaxabanaan ayaa shalay isugu yimid kulan deg deg ah oo ay kaga arrinsanayaan xukunkan sannadka ah ee lagu riday afarta qareen, waxaana la filayaa inay maanta soo saaraan go’aan.

Afarta qareen ee xukunka lagu riday ayaa kala ah:

1. Daahir Maxamed Faarax

2. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud

3. Xuseen Maxamed Fadal

4. Jaamac Cali Ismaaci