Cirro Oo Addis Ababa Kula Kulmay Dr. Cali Khaliif Galaydh

0
969

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Kulanka oo la sheegay inuu ahaa mid muhiim ah, ayaa waxa ay Cirro iyo Galaydh kaga wada hadleen wada hadalada u bilaabmay Somaliland iyo sida ay muhiim u tahay in shacabku isu soo dhawaado oo wax la wada qabsado, loona midoobo qaddiyadda Somaliland.

Waxaanu Md. Cirro ku bogaadiyay Cali Khaliif Galaydh go’aanka uu ku qaatay inuu nabadda ka shaqeeyo islamarkaana uu isu soo dhaweeyo dadka walaalaha ah ee reer Somaliland.

Dr. Galaydh oo isna Cirro uga mahadceliyay kulanka, ayaa sheegay inuu go’aan ku qaatay inuu ka shaqeeyo nabad ka alaaxda gobalad bari ee Somaliland.

Kulanka ayaa ka sokow Cirro iyo Galaydh, waxa ka qayb galay Dr. Cali Ciise Cabdi oo madax ka ah machadka HESPI, Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa wasiirkii hore ee khaarajiga haddana ka tirsan xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif oo hore u ahaa wasiirka hawlaha guud haddan ka tirsan xisbiga Waddani, Dr. Cabdixakiin Xaaji Siciid oo ka tirsan machadka HESPI iyo masuuliyiin kale.