Trump_Oo Weeraray Soomaalida Minnesota

0
880

Musharraxa madaxtinimada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa isu soo bax uu ku qabtay gobolka Minnesota ee Soomaalida ay ku badan yihin waxa uu taageerayaashiisa u sheegay in gobolkooda qaxootiga soo degay ee Soomaalida ah ay gaystaan dhibaatooyin xagjirnimo wata. Wuxuu tusaale u soo qaatay ninkii tooreyda ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo laga tukaamaysto. Ninkaasi ayaa tooriyeeyay ugu yaraan sagaal ruux kahor inta aan la tooganin. Trump ayaa sheegay in dadka Minnesota ay dhibatao ka soo gaartay martigelinta qaxootiga Soomaalida. Wuxuu ku jiraa lugutiisii ugu dambeysay ee ololaha ka hor doorashada Talaadada ayaa sheegay in haddii la doorto uu hubin doono in dadka deegaanada qaxootiga martigeliyo uu latashi la sameyn doono ka hor inta aysan qaxootiga qaabilin.

Donald Trump horay ayuu u sheegay in Soomaalidu ay ku biiraan Daacish waxuuna sheegay inay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Donald Trump waxuu si weyn u cambaareeyey siyaasada Barack Obama iyo xisbiga Dimuqraadiga.Waxuu dhaleeceeyey dadka soo galootiga ah ee Maraykanka taga.

Donald Trump ayaa mar kale sheegay in doorashada madaxtinimada Mareykanka loogu xaglinayo Hillary Clinton.

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmaya kaddib markii waaxda dambi barista ee FBI ay sheeghtay in aysan hayn wax caddeyn ah oo muujinaya in Hillary ay gaysatay dambi marka la eego farriimo Email oo ay ka dirtay cinwaankeeda khaaska ah.