Suld_Xiirey Oo Ka Hadlay Ooda_lululka Taabtay Deegaannada Bariga Somaliland Iyo Taakullooyinka Ay Wasiir Samsam Gaadhsiisay

0
834

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo kamid ah madax dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaanna gobolka Hargeysa ayaa ka hadlay abaaraha baahsan ee ku habsaday gobolada bariga Somaliland. Suldaan Xiiray oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada  Hargeysa  ayaa wasiirka maaliyada somaliland ku bogaadiyey sida ay ugu gurmatay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada bariga, waxaanu yidhi “Wasiirka maaliyada somaliland waxay ku amaanan tahay laba qodob oo ay dadka somaliland u qabato marka ay baahiyahoodu jiraan, waxa ugu horeeya sida ay ugu gurmato dadka abaaruhu samaayeen waana laga warqabaa sida ay hada u dhex qaadayso dadka abaartu hayso waxaan leeyahay wasiir waxaad tahay wasiirka kaliya ee wakhtigan gurmad ka gaysanaya abaaraha jira, waxa kale oo aan ku amaanaya gaadiidka gurmadka deg dega ah (Ambulance) oo intii ay joogtay wasaarada maaliyada ay gaadhsiisay degmooyin badan waxaanan leeyahay bulshadu way ogtahay wax qabadka wasiirka waanay u ogtahay, waxa kale oo aan xasuusinayaa wasiirka in degmada Cadaadlay oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee somaliland ay wali sugayso aniga oo ku hambalyeynaya meel kasta oo qaranka somaliland ah oo ay wax ka qabatay.”

Sidoo kale suldaan Xiiray  ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee bulshada somaliland waxaanu yidhi “waxaan leeyahay Xukuumada Somaliland, Ganacsatada iyo Xisbiyadaba dalka waxa ka dhacay Abaar aad u xun oo saamaysay Dad iyo Duunyaba Oo waliba bariga Somaliland u badan.

Waxaan leeyahay waa in si deg dega loogu gurmadaa iyadoo la is kaashanaayo Xukuumad iyo Ganacsataba dadkaasi wax ay u baahanyihiin sidii barigii ka dhacday gobolada galbeedka in bal iyo caws loo geeyo si ay wax ugu tarto abaarta baahsan ee haysata.