Madaxweyne_ku_xigeenka Somaliland Oo Misigta Bidix Ka Dhaawacmay Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Shalay Siyaartay

0
823

Halkee Ayuu Mr. Seylici Ku Sugnaa Markuu Dhaawacmay, Maxaa Sababay Dhaawaciisa, Sideese Ayay   Wax U Gaadheen?

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dhaawac ka soo gaadhay Misigta Lugta Bidix, ka dib markii sida la sheegay uu ku siibtay Marmarka ku nash-qadaysan Gurigiisa magaallada Hargeysa. Waxaana Booqasho ugu tegay Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiin Xukuumadda ka tirsan.  Sidaa waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo shalay galab ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada, kaasoo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska HUBAAL, ayaa lagu faahfaahiyey sida uu u dhaawacmay Madaxweyne Ku-xigeenku iyo Xubnaha Madaxweyne Siilaanyo ku weheliyey Booqashada uu ugu tegay Saylici. Waxaanu Qoraalka Warkaasi u dhignaa sidatan:- “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maxamed Muuse Abees, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Md. Axmed Cali Axmed, ayaa gurigiisa ku bookhday Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhaawac ka soo gaadhay misigta bidix ama lugta bidix ka dib markii uu ku siibtay marmarka gurigiisa. Madaxweyne ku xigeenka oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay wax u soo gaadheen markii uu dhacay, ayaa sheegay in markii nabarku soo gaadhay aanu wax dhiba dareemayn balse hadda aanu kici Karin iyadoo la taageero mooye, dhakhtaro doorina ay u yimaadeen kuna hawlan yihiin inay ogaadaan sida ay laftu wax u qabto. Madaxweyne ku xigeenka oo xaaladiisa caafimaad aad u wacan tahay marka laga yimaado dhaawaca ka soo gaadhay midigta ayuu madaxweynuhu ugu duceeyey in Alle u fudaydiyo nabarkaa soo gaadhay, ugana dhigo mid sahlan oon dhib lahayn.