Somaliland: Maayarka Berbera Oo Shacabkiisa Ugu Baaqay Inay U Diyaar Garoobaan Shirkadaha Maalgashi Ee U Imanaya

0
940

Maayarka degmada Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Cidin ayaa dadweynaha reer Berbera ugu baaqay inay u diyaar garoobaan sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen shirkadaha maalgashi ee ay horayso DP World.

Maayarka oo shalay khudbad ka jeediyay kalfadhigii 14aad ee golaha deegaanka Berbera, wuxuu sheegay in qodobka koowaad ee golaha deegaanka Berbera horyaala sannadka 2017 uu yahay sidii loogu talaabsan lahaa isbedel hor leh oo ay ka hirgeliyaan Berbera iyo bulshada ku noolba “Qodobka koowaad waxa weeye waxaanu rajaynaynaa in isbedel balaadhani ku iman doono nolosha iyo dadka magaalada ku noolba, markaas waa inay dadku u diyaar garoobaan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen bulshadan ku soo kordhaysa iyo shirkadahan maalgashi ee imanaya.” ayuu yidhi Maayarka Berbera oo intaas raaciyay in golaha deegaanka Berbera laga sugayo inay dejiyaan siyaasadii iyo shuruucdii lagu maamuli lahaa shirkadaha cusub ee Berbera imanaya.

Xoghayaha dawladda hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cade oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in kalfadhigan lagaga hadli doono ansixinta miisaaniyadda iyo mashaariicda 2017 ee dawladda hoose ee Berbera, isagoo sheegay inay hirgaleen qorsheyaashii horumarineed ee sannadka 2016 ay golaha deegaanku u dejiyeen degmada Berbera.