“Markii La Yidhi Qoladaas [Isbahaysiga] Ayaa KULMIYE Ka Baxday, Aniga Horta Kelmad Baa Iga Soo Baxday Oo Waxaan Idhi KULMIYE Ha Ducaysto, Kol Haddii Illaahay Ka Kexeeyey” “

0
976

“Arrinta WADDANI, Waxay Noqonaysaa Ugaadhsi, La Ugaadhsanayo Cidda Ugu Lacag Badan.… [Axmed M. Seed], Nin Macquul Ah Oo Ra’yigiisu Fiican Yahay Ayuu Really Ahaa, Aniguna Waan Ka Naxay Markii La Yidhi Waa La Bedelayaa”

“Waxaa Jiray Niman Wasiirro Ahaa Oo Shaki Geliyey Kala Go’ii Somaliland Iyo Soomaaliya, Musuq-Maasuq Xad-Dhaaf Ahna Dhinac Kaga Jiray”

++++++

“Raggaasi Intooda Badani Wixii KULMIYE Baabi’iyey Bey Ahaayeene Haddii Illaahay Ka Kexeeyey Dee Inay Qoladan Xisbul-Xaakimku Shaadali Shubaan Bey Ahayn” – Eng. Maxamed Xaashi Cilmi- Waraysi GAAR Ah

Wasiirkii Hore ee wasaaradda Maalliyada JSL Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Ayaa Markii U Horreysay ka hadlay isbedellada siyasadeed ee ku dhacay bilihii u dembeyey axsaabta siyaasadda iyo dhacdooyinkii hadheeyey xisbiga WADDANI. Sidoo kale waxaa uu ka hadlay xaaladda musuqmaasuqa oo uu sheegay in waqtigan uu xadhkaha goostay. Maxamed Xaashi Cilmi oo haatan aan saddexda xisbi qaran midkoodna ku jirin isla markaana gaar ahaantiisa u naqdiya nidaamka siyaasiga ah ee dalka, waxaa uu xukuumadda Somaliland oo uu hore uga tirsanaa sheegay in ay haatan barriinsadeen suuq madaw iyo musuq maasuq ay ku tallaabsadeen masuuliyiinta xilalka qaranka lagu aaminay oo uu tilmaamay in ay xilka qabteen iyaga oo aan hantid muuqata lahayn, halka haatan ay aduun buuxaan. “Rag Wanaagsani way jiraan oo wasiirro ah ama dawladda ku jira laakiin waxaad maanta arkaysaa musuq-maasuqu inuu laxaadasaday, waxaad arkaysaa wasiirrada intooda badani daaro dhaadheer bay dhisanayaan, laysma weydiinayo maalintuu yimi [xilka loo dhiiibay] muxuu la yimi, maantase muxuu haystaa?, intee lacag baanka u taalla, Abu Dubai intuu dhigtay, waxaas oo dhami waa su’aalaha ay tahay in lays weydiiyo. Kolkaa waxaad arkaysaa in aynu ka baxnay xadkii dhaqaalle ee dadka wax loogu qaban lahaa”. Sidaa ayuu yidhi MEng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Waraysi maqal iyo muuqaal ah magaallada Hargeysa ku siiyey Weriye Ibraahim Cismaan Axmed. Waxaanu intaa ku daray “Waxaa kale oo jira qofka marka xil madaxnimo loo magacaabo waa la dhaarinayaa, dhaartaasi saddex qoddob baa ugu waaweyn, saddexdaas qoddob waa; inuu marka hore Diinta Islaamka daacad u yahay, inuu dalkan Somaliland Daacad u yahay iyo in uu sinaan iyo caddaalad dadka ku dhaqayo inta uu xilka hayo, markaas ma lagu dhaqmaa saddexdaas qoddob ayay su’aasha weyni tahay?.”. ayuu yidhi Maxamed Xaashi. Wuu sii waday hadalkiisa oo waxaa uu doodiisa u daliishaday farqiga u dhexeeya qarannimada iyo qolonimada, waxaanu yidhi “Horta qabiil iyo qaran meesha ma wada gali karaan, waayo mar walba cadawgaagu waa ka degmo ahaan kuugu xiga oo aad mar walba iska ilaalinayso ama biyo isku haya, ama baad isku haya ama beer isk haya oo, sidaas oo aytahay markaad kitaab gacanta saarto ee aad xil qabanayso adigu reer uma dhaaranaysid ee qaran baad u dhaaranaysaa, kolkaad qabiil u leexato dhaartii waad ka baxday, tanna [ifka] waynu ka tegeynaa oo aakhiraa loo socdaa, waxaad ifka ku shaqaysato ayuun baa hadhow aakhiro janno iyo caad laguugu xisaabinayaa”.

Dhinaca kale mar Weriye Ibraahim Cismaan Uu wax ka weydiiyey sida uu u arko isbedellada siyaasiga ah ee ku dhacay axsaabta qaranka iyo guurguurka siyaasiyiintu ugu kala digo roganayaan xisbiyadoodii hore, waxaana mar uu Maxamed Xaashi ka jawaabayay xulufadii dhawaan ku biirtay xisbiga WADDANI uu yidhi “ Aniga horta kelmad baa iga soo baxday markii la yidhi qoladaas [isbahaysiga] ayaa ka baxday KULMIYE, waxaan idhi ha ducaysto KULMIYE, haddii Illaahay ka kexeeyey. Waxaad arkaysay oo jiray niman wasiirro ahaa oo kolkii Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxweynaha Soomaaliya yidhi waanu u kaambayn garaynay xilkiisa, kolka taas oo kale yimi wuxuu shaki geliyey kala go’ii Somaliland iyo Soomaaliya, musuqmaasuqan xad dhaafka ahina dhinac buu shakiga kaga jiray. Raggaasi wixii KULMIYE Baabi’iyey bay intooda badani ahaayeene, kol haddii kuwii KULMIYE Baabi’inayay uu Illaahay ka kexeeyey dee inay faataxada maraan oo ay shaadali shubaan bay ahayd qoladan xisbul-xaakimku”. Ayuu yidhi Maxamed Xaashi Cilmi.

Mar La Weydiiyey Sida uu u arko kala jajabka ku yimi cududii xisbiga WADDANI kadib shirweynahoodii oo afduub ku dhammaaday, natiijadiisuna abuuray aasaaska garab uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenkii xisbigaasi, waxaa uu Maxamed Xaashi isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “ MArka aynu ka hadalno arrintan WADDANI, waxaa ay noqonaysaa Ugaadhsi, waxaa la odhanayaa cidda ugu lacag badan, waxaa la odhanayaa ninka madaxweynaha ama madax weyne ku xigeenka doonayaa intuu lacag haystaa, markaa haddii kuwii hore laga lacag bato oo qaar cusubi yimaadaan waxaa dhacaya is qabsi”. Ayuu yidhi Maxamed Xaashi, waxaanu intaa ku daray mar uu ka hadlayay gedaafadii loo geystay guddoomiye ku xigeenka WADDANI iyo sida uu u arko shakhsiyadiisa siyaasiga ah, waxaa yidhi “Ninkaas Seed, annagu dhawr shir baanu wada galnay markaan Madasha toosinta ahayn, runtii waxaa uu ahaa nin aad iyo aad u edeb badan oo macquul ah oo ra’yigiisu fiican yahay ayuu really ahaa, aniguna waan ka naxay markii la yidhi waa la bedelayaa, waayo nin qiyam leh buu ahaa. Kolkaas waxaa imanaysa su’aasha odhanaysa maxaa ninkaas loo bedelay, taasna waxaa jawaabteedu noqonaysaa in ugu horeynba ay xisbiyadii aqbaleen in madaxdoodii ay sharcigii ood han ka baxaan, tusaalle ahaan kolkaad WADDANi eego horena waan uga hadlaye guddoomiyuhu in uu lab axil isku qabto maha. Kolkaas waxaan odhan lahaa WADDANI Waxaa uu caadaystay in ninka madaxda ka ahi uu labadaas mansab ku shaqaysto, arrintaasna dhaqaalle uun baa u sabab ah, dee nin u badheedhay qalad inuu qalad xisbigiisii ka galo dee waxaad ku tidhaahdaaba waa bar-kuma-taal”. Ayuu yidhi wasiirkii hore ee wasaaradda maalliyadu.