Madaxweyne Siilaanyo Oo Shaqaalaha Dawladda Uga Digay Ku Milinka Xisbiyada Siyaasadda

0
653

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa wuxuu shaqaalaha dawladda uga digay inay ku milmaan loolanka siyaasadda iyo xisbiyada siyaasadda.

Madaxweynaha oo shalay khudbad ka jeediyay munaasibad loo sameeyay 214 arday oo shalay ka qalin jebiyay machadka tababarka shaqaalaha dawladda Ee CSI. Madaxweynaha ayaa wuxuu khudbadiisa ku bilaabay Farxad weyn ayey ii tahay, inaan ka soo qayb galo Munaasibaddan lagu maamuusay mas’uuliyiinta ka tirsan Shaqaalaha Dawladda, ee maanta ka qalin-jebinaya Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda.  Ugu horreyn, waxaan u hambalyeynayaa Mas’uuliyiintan qalin-jebisay iyo Macalimiintii tacabka badan galisay.

Sidoo kale, waxaan u hambalyeynayaa Waalidiinta, Madaxda Wasaaradaha ay ka tirsan-yihiin iyo Maamulka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda.  In kasta oo aad gaadheen guul weyn oo noloshiina iyo ta qarankaba saamayn weyn ku leh, waxaan idin leeyahay waxbarashadu ma dhammaato, lagamana gaboobo, ee halkaa ka sii wada aqoon-korodhsiga iyo dadeelka waxbarashada.

Waxa kale oo la idiinka baahan-yahay in aad uga faa’iidaysaan aqoontan aad barateen, adeeggii aad ummaddiina u hayseen. Xisbiga Kulmiye markii uu xilka dalka la wareegay tirada shaqaalaha qaranku waxay dhammayd 6,959, kuwaas oo la shaqo galiyey muddo 19-sanno ah.

Xukuumaddaydu waxay shaqaalaysiisay muddadii 6-da sanno iyo 3-da bilood ahayd ee ay talada dalka haysay 9,346 shaqaale. Waxaanu xoog saarnay in aanu shaqo abuurno, isla markaana shaqaalaha qaranka ku soo kordhinno da’yar fir-fircoon oo aqoon leh. Dhinaca kale, waxaanu xoog saarnay in la tayeeyo, waxna la baro Shaqaalaha Dawladda, si loo helo shaqo fiican oo hufan. Muddadaa waxa wax-la-baray oo mac-hadkan ka qalin-jabiyey shaqaale dhan 3,487 oo isugu jira taba-barro gaagaaban (Short Courses), Diploma, Degree iyo Master.

Waxaanu xoog saarnay dhismaha iyo Tayeynta Mac-hadka Shaqaalaha oo ah Manbaca iyo Madasha lagu beero shaqaale tayo leh. Kharashka ku baxa Mac-hadkan Shaqaalaha Dawladda waxa dabooli jiray intiisa badan Hay’adda UNDP, waana uga mahad-naqaynaa, Xukuumaddii naga horreysayna waxay bixin jirtay 19%.  Xukuumadda Kulmiye iyada oo tixgelinaysa ahmiyadda waxbarashada, iyo muhiimmada mac-hadkani ku fadhiyo, waxaannu la wareegnay, isla markaana daboolnay

dhammaan  kharashyadii uu u baahnaa, 100%.

Sidaa darteed, sharaf weyn bay, inoo tahay in uu maanta Mac-hadka Shaqaalaha Dawladdu yahay mid qaran, oo Dawladdu iskeed u maamusho. Waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa is-beddelka iyo horumarka, ay ku talaabsadeen Maamulka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Maamulka Mac-hadka Shaqaalaha Dawladdu. Waxaana tusaale fiican oo lagu dayan karo ah, dhallinyaradii aan xillalka sare u magacaabay is-beddelka laxaadka leh ee ay keeneen.

Waxaan ugu baaqayaa Shaqaalaha Dawladda in ay xilka ay qaranka u hayaan u gutaan si dedaal iyo daacadnimo leh. Waxaan uga digayaa in ay ku milmaan Loolanka Siyaasadda iyo Tartanka Xisbiyada Qaranka.  Waxaan uga digayaa qabyaaladda, iyo inay ku kacaan falal qarankan dumin kara.  Waxaan  farayaa mas’uuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ah, gaar ahaan Hay’adda Shaqaalaha Qaranka, in ay il-dheer ku eegaan arrimahaas, isla markaana talaabo ku habboon ka qaadaan, cid kasta oo ku kacda, ama ay ku caddaato, fallal ka dhan ah Anshaxa iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda. Ugu danbayn, waxaan ALLAHEENA WEYN ka baryayaa in uu abaarta ba’an ee dhulkeena ka jirta inaga jebiyo.

Maalmahan soo socda, waxaannu dardar-gelin doonnaa gurmadka abaaraha saameeyey Gobollada Dalka qaar ka mid ah. Si hor-dhac ah, waxaan shacbigayga qiimaha badan ugu baaqayaa in u diyaar-garow  buuxa loo galo taakulaynta dadka abaaruhu tabaaleeyeen”.