“Jamaal Cali Xuseen Waxaan Leeyahay Arrinka Iska Kaasoo Xidhaa Mar Buu Yahay Run Aad Ku Qasban Tahay Inaad Aqbasho”

0
968

“Anigu Muuse Biixi Baan Heshiis La Saxeexan Doonaa Sida Kan [Isbahaysiga & WADDANI] Oo Kale. Mise Kani Waa Xalaal,  Keyguna Waa Xaaraan Beydun Odhan” – Cali Gurey

cirro-iyo-biixi

Guddoomiye kux igeenkiii 3aad ee xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Gurey) ayaa qoraallo koobkooban oo xalay xilliyo kala duwan ku daabaca barta uu ku leeyahay bogga xidhiidhka bulshada ee Facebook-ga waxaa uu kaga hadlay amuuro kala duwan oo la xidhiidha siyaasadda xisbiyada UCID, WADDANi Iyo KULMIYE iyo weliba xulafadii KULMIYE ee dhawaan ku biirtay WADDANI. Qoraalka Cali Gurey oo laba qaybood oo kamid ah uu Wargeyska HUBAAL halkan idiinku soo gudbinayo ayaa mid kamid ah oo weedhihiisu koobnaayeen waxaa uu kaga hadlay heshiiskii garabkii KULMIYE la saxeexday xisbiga WADDANI, kaasi oo ay u kala saxeexaan Guddoomiye Cirro iyo Wasiirkii hore ee khaarijiga Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna metelayay isbahaysigaas. Heshiiskaas oo Muj. Cali  ku ladhay sawirka labada masuul oo qalinka ku duugaya heshiiska isla markaana ay kor taagtaagan yihiin xubinihii labada dhinac ee ay kala hoggaaminayeen. Qoraalka kale oo isagu ka dhumuc weynaa midda hore qoraal ahaanna  ku qiyaasnaa hal bog oo A4 ah, waxaa uu kaga hadlay aayaha dembe ee xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay in uu immikaba yahay Meyd soconaya.

Qoraalka hore ee uu kaga hadlayay heshiiska WADDANI iyo garabkii KULMIYE waxaa uu ku maseeyey heshiiskaasi kii DP world iyo xukuumaddu wada galeen, waxaana uu Cali Gurey ku yidhi “Ma Heshiiskii DP World baa mise waa halkii kale? Aniguna Muuse Biixi baan la saxeexan doonaa hadii Alleh yidhaa sidan oo kale. Mise kani waa xalaal kayguna waxaydin odhan waa xaaraan”. Sidaa ayuu yidhi. Qoraalka kalena waxaa Cali Gurey Cinwaan uga dhigay MEYD Lugaynaya, waxaana uu ku bilaabay “MEYD LUGAYNAYA (WALKING DEAD).. Xisbi UCID la yidhaa oo awoodi kara inu la tartami karo labada xisbi ee kale anigu ma arko. Tartanka runta ahi waxan u arkaa inu ka dhexayn doono labada xisbi ee kale Kulmiye iyo Waddani. Ucid Gudoomiyaha rasmiga ah waxa loo aqoonsan yahii kii dilay ee burburiyay ee qayrkii ka reebay. Isaga oo aan cidna metelin ayuu haddana isagu yahay madal kasta oo lagu kulmayo ka isagu metelaya xisbi ahaan ucid oo dhan. Miisaaniyadda Xisbiga loo qoondeeyay isaga ayaa iskii ugu tagri fala oo weliba ku isticmaala burburinta Xisbiga. Lixdankii maalmood ee gudahooda Maxkamadda Sare ay xukuntay in labada garab ay si wada jir ah ugu qabtaan Shirwayne aan caadi ahayn oo lagu ansixiyo dhamaan qodobadii heshiiskii labada dhinac ay kala saxeexdeen bishii July 2012kii iyaga oo labada dhinac ay si wada jir ah u hawlgelinayaan guddi qabanqaabo oo 10 xubnood ah oo si is le’eg ay labada dhinc u soo kala magacaabeen ma j iro wakhtigiina waa gabaabsi. Markaa Shirwaynihii aan caadiga ahayn sidii uu go’aanka Maxkamaddu ahaa ma muuqato inu ku qabsoomi doono 60kii maalmood. Ina Cali Waraabe oo isagu masuul ka ah in Xukunkii Maxkamadda Sare aanu fulin hadii hadana uu isla isagii uuni sii ahaanayo Gudoomiye oo uu magaca ucid ku metalayo cid kasta oo ucid ha ku metelo cidii uu ku metalayo lakiin aniga iyo intii aanu isku talo noqono nagu mateli maayo. Sida aanu uga aargoosanayo Ina Cali Waraabe ee weliba aanu kaga adkaan doono waanu ka tashan lakiin aniga kolay taladayda iyo go’aankayga midna ma noqon doono Ina Cali Waraabe waanu isla degaynaa ilaa aanu isla dhimanayno UCIDna dhimanayo. Waayo Ina Cali Waraabe ma imika ayuu nool yahay xisbina u nool yahay? Waa maya. Markaa qof dhintay oon wax u nooli jirin ninka waanu isla dhimanaynaa yidhaa miyaanay taladiisu noqonayn isagu wuu dhintaye aniguna yaanan ka dambayn ee aan dhinto aniguba. Anigu waxan leeyahay qof dhintay la lama dhinto. Ina Cali Waraabe xisbi uu musharax ka yahay iyo mid uu Gudoomiye ka yahay isma lihi boqol sanadood haduu jiro guul buu gaadhi karaa waana cashar aan ka bartay intii aanu ucid wada ahayn. Markaa waa maxay yaase ii sheegi kara danta iigu jirta in aanu Ina Cali Waraabe isku xisbi ahaano oo weliba uu isaga loo aqoonsan yahay Gudoomiyaha rasmiga ah oo isagu uu aniga igu metelo madal kasta oo lagu kulmo isaga oo igu metelaya xilka Gudoomiyaha ucid ee beenta ah. Anigu nin taa aqbali karaya ma ihi cidda ogolaanaysa ha ku metelo lakiin aniga been been dambe igu metelimaayo ceeb ayaanay igu tahay in qofka aan arkay xataa isku xisbi sii wada ahaano. Jamaal Cali Xuseen uma arko dantiisa iyo xataa mustaqbalkiisa siyaasadda inu midna ugu jiro Ina Cali Waraabe ayaanu isla degaynaa ilaa aanu isla dhimanayno. Waxan odhan lahaa Faysal Cali Waraabe ayaa dhintay adiguse maad dhimanin mustaqbalkaaga siyaasadduna weli wuu iftiimayaa waanad badbaadin kartaa hadii aad garan karto sida aad u badbaadinayso. Arinka iska soo kaa xidhaa mar baanu ahayn wax kale ee tahay run aad ku qasban tahay in aad aqbasho