“Hadalka Abtigay Ismaaciil Buubaa Aniga Ayaa Ka Jawaabayee, Waxaan Leeyahay Abtoow Berigii Malleeshiyada & Maryo-aloolka Ayaa Dalka Kuugu Dembeysaye……”

0
988

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil(shabeel), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadallo xanaf lahaa oo dhawaan kasoo yeedhay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya, haatanna ah xubin katirsan xisbiga WADDANI, kuwaas oo salka ku hayey taariikho madoobaa oo bulshadu hore uga soo gudubtay.

Guddoomiye Jaamac Shabeel oo ka hadlay madal uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey taageerayaal cusub oo kusoo biiray, ayaa bulshada farta ugu fiiqay in

xubnaha ku cusub xisbiga WADDANI isticmaalaan erayo gaboobay oo bulshadu kasoo gudubtay, isla-markaana aan loo baahnayn in wakhti-xaadirkan dib loosoo cusboonaysiiyo.

Jaamac Shabeel waxa uu uu Ex. Wasiir Ismaaciil Buubaa ku tilmaamay shakhsi bulshada reer Somaliland ka dambeeya muddo labaataneeyo sano ah oo uu dhinaca Soomaaliweynta ku maqnaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “WADDANI siyaasiyiintii kusoo biiray afsoomaali gaboobay bay ku hadlaan imika oo 20-sano lasoo dhaafay, inaguna 20-sano dib uma noqon karno, hadalka abtigay Ismaaciil Buubaa kasoo yeedhayna anigaa uga jawaabayee abtigay 20-sano ayuu waddanka ka maqnaa waddanka berigii maleeshiyada iyo maro-aloolka la ahaa ayaa waddanka ugu dambaysay, waxanse leeyahay abtiyoow maleeshiyadii iyo Maro-aloolkiiba KULMIYE ayey ku dhan yihiin oo adiga ayuun baa ka maqan.”.

Hadalka kasoo yeedhay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliya Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa ah mid xanaf iyo cunfi cusub ka dhex abuuri kara bulshada reer Somaliland ee tacabka badan gelisay dawladnimada iyo horumarka, waxana ay shacabku su’aalo badan iska weydiinayaan sababaha rasmiga ah eek u kallifay inuu dib u xogo booqo wakhti hore la dhayey.