Guusha KULMIYE ninkii Ay shaki kaga jirtoow, Adeer Anigaba Beri Baa Saaxiibkay XIRSI {Shaki Igaga Jiray} Laakiin Markaanu Dibeda Nimi Uun Baan Arkay Inuu Qof Caadi Ah Ahaa

0
936
Hoggaanka Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Xildhibaanno Iyo Taageerayaal Kasoo Jeeda Degmooyinka Qori-lugud Iyo Wadaamo-goo Oo Kasoo Digo-rogtay Xisbiga WADDANI
Wasiir Cukuse "Saaxiibkay Xirsi Marbuu Dadkaba ugu dheeraa, Cali Mareexaan buu ka dheeraa oo Maxamuud Xaashi buu ka Dheeraa Markaan Dabadda"

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir {Cukuse}, ayaa sheegay inuu Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan loo magacaabay Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan uu berigii hore Dadka ka dheeraa, hase-yeeshee markii uu xilka ka tegay ka dib arkay inuu Qof Caadiya ahaa sida uu hadalka u dhigay. Wasiir Cukuse oo ka hadlay Xaflad Xisbiga talada haya ee Kulmiye Dad cusub ku qaabbilay oo Hargeysa lagu qabtay Khamiistii shalay, waxaanu sheegay in Xirsi Dadka oo dhan ka dheeraa, waxaanu gaar u soo qaatay Wasiirrada hadda ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed {Cali-Marreexaan} oo ah Wasiirrada uu hadda ka dhexeeyo Xafiiltanka adag ee Siyaasadda Mucaaradnimo iyo Muxaafidnimo ee Kulmiye iyo Waddani oo uu hadda Xirsi joogo. “Waxaan Leeyahay Guusha KULMIYE ninkii shaki kaga jirtayoow aniga I eeg shakigii ha kaa baxee”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cukuse, waxana uu intaa ku daray “ Adeer anigaba Saaxiibkay Xirsi, beri {baa shaki igaga jiray} oo uu dadka ugu dheeraa, Cali Mareexaan {Wasiirka Hawlaha guud} wuu ka dheeraa, Maxamuud Xaashi {Wasiirka Madaxtooyada} wuu ka dheeraa, laakiin markaanu dibada nimi uun baan arkay in uu qof caadi ah ahaa”. Ayuu yidhi Wasiir Cukuse. Wasiirkii hore ee wasaaradda madaxtooyada, ayaa maalmahan dambe si weyn uga hadlayey waxqabadka xukuumaddii uu hore uga tirsanaan jirey iyo xisbigeeda, isaga oo afkiisa ka dhawraya waxa xisbiga uu katirsan yahay ee WADDANI umadda u qaban doono.