Xulka Maroodi-jeex Ee Kubadda Kolleyga oo Guushiisii u Horeysay ka Xaqiijiyay Togdheer

0
956

Wejiga labaad ee tartanka ciyaaraha gobolladda kubbadda kollayga ayaa weli ka socda garoonka Timacadde ee magaaladda Hargaysa.Ciyaartay xalay ayaa waxaa wada ciyaaray xulalka goboladda Maroodijeex iyo Togdheer, kuwaasi oo soo bandhigay ciyaar aad u xiiso badan, isla markaana xamaasadda daawadeyaashii garoonka joogay ay aad u saraysay.Waxaanay qeybtii hore ee ciyaartaasi labadda gobolba ay ku dedaalayeen in mid waliba ka kale ka hor maro.Waxaana difaacday hogaankii ciyaartaasi xulka gobolka Maroodijex oo keenay 25 dhibcood, halka gobolka Togdheer-na uu ka lahaa 10 dhibcood oo qudha.

Hase yeeshee markii la isugu soo noqday qaybtii dambe ee ciyaartaasi la tashi badan oo ay labadda xul-ba sameeyeen, waxay wax ka bedeleen jawigii ciyaarta, iyadoo dedaal iyo is-muquunin adag oo ay labadda dhinacba la yimaadeen uu halkaasi ka muuqday. Waxaanay ciyaartaasi ku soo dhammaatay 42 dhibcood oo ay guushu ku raacday gobolka Maroodijeex. Halka gobolka Togdheer-na uu helay 32 dhibcood, sidaas-na waxay guushu ku raacday xulka kubbadda kollayga ee gobolka Maroodijeex.