Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo safar maalmo qaatay ugu maqnaa wadanka itoobiya, ayaa galab si balaadhan loogu soo dhaweeyey Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminaayey waxa jidadka iyo qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyey shacbiga qaybihiisa kala duwan iyo salaadiin, waxaanu madaxweynuhu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland iyo Ciidamada Banboyda oo tumayey muusiga qaranka Somaliland. Ka dibna Madaxweynaha oo saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey kulamadii uu la yeeshay Ra’isal wasaaradaha Itoobiya iyo kulamo gaara oo ay la yeesheen weftiga madaxweynuhu Masuuliyiinta Khaatumo.

Waxaanu yidhi madaxweynuhu ”Wefti ballaadhan oo aan hoggaaminayey, waxaanu booqasho rasmi ah ku tagnay 28/10/2016, Caasimadda Ethiopia, Addis Ababa. Aniga iyo xubnihii wefdigayga, waxaannu la kulannay 29/10/2016, Raysal Wasaaraha Ethiopia, Mudane, Xayle-maryam Disalim iyo Madax kale oo kulankan ku wehelisay. Kulankan saaxibtinnimo ee uu nagu marti qaaday Raysal Wasaaruhu, wuxuu ahaa, mid qiimo badan, oo si diiran oo kalgacal leh naloogu soo dhaweeyey.

Labadayada dhinac, waxaannu is-aragaa ku qaadaa dhignay, arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

  1. Xoojinta xidhiidhka saaxiibtinnimo ee labada dal.
  2. Adkaynta iyo ka wada shaqaynta nabadgelyada, guud ahaan mandaqadda, gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada waddan.
  3. Iskaashiga dhaqaalaha, siyaasadda, iyo arrimaha bulshada.
  4. Dhiirigelinta ganacsiga, maalgashiga, iyo is-dhexgalka bulshooyinka Somaliland iyo Ethiopia.
  5. Isticmaalka Dekedda Berbera iyo in ay ka qayb qaadato Dawladda Ethiopia dhismaha Jidka isku xidhka Wajaale iyo Berbera.
  6. Iskaashiga fidinta koronto jaban iyo kordhinta deeqaha waxbarasho ee Somaliland.
  7. La dagaalanka qaxootiga sharci darrada ah iyo argagixisada.
  8. Qabyo-tirka Heshiis lagu maareeynayo ganacsiga iyo badeecadaha iskaga gudbaya labada dal (Trade Agreement), kaas oo salka ku haya danaha iyo maslaxadda labada dal.
  9. Iskaashiga ka hortagga abaaraha iyo biyo yaridda.

Kulankaasi, wuxuu ku dhammaaday guul, is afgarad, kaslooni iyo wadashaqayn buuxda oo laga yeesho dhammaan arrimihii kulankaa lagu gorfeeyey, isla markaana la isla meel-dhigay. Dhinaca kale, muddadii aannu ku sugnayn magaalada Addis Ababa, waxaanu la kulannay Madaxda Khaatumo oo uu hoggaaminayey, Dr. Cali Khaliif Galaydh. Waxaannu kulankaa ku heshiinnay in la sii amba qaado wada-hadalladii labada dhinac ee hore la isula qaatay. Waxaannu ku heshiinnay in 17/11/2016, wada-hadalkii ka dhaco Caasimadda dalka Ethiopia. Arrimahan faahfaahintooda waxaannu kaga hadli doonna War-saxafadeed Maalinta Sabtida, 05/11/2016”

Wad mahadsantihiin.

Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay Somaliland: Madaxweyne Silaanyo iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo Dalka dib ugu Soo laabtay 14980694_1099886060125246_4257285711249157921_n