Saylici oo Ganacsatadda ku Booriyay Samato-bixinta Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen

0
988

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ganacsatadda iyo dadweynaha reer Somaliland gudo iyo dibadba ugu baaqay inay kaalin muuqata ka qaataan qorshe gurmad deg deg ah lagu gaadhsiinayo dadka abaaruhu ku tabaaleeyeen gobollada Sool, Togdheer iyo Sanaag.

Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta dadweynaha reer Burco kula tukaday salaad roob doon ah oo la iskugu soo baxay Garoonka kubadda cagta ee Alamzey,salaadaas oo dalka oo dhan laga oogay.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu hoosta ka xariiqay in gacanta ILAAHAY lagu baahi baxo balse aanay gacan bani’aadam waxba tarin, isagoo EEBE dadka u baryey inuu cirka raxmaad kheyr qaba oo deg deg ah uga shubo. Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu sheegay in xukuumaddu ay si dhakhso ah u bilaabayso gurmadka dadka abaaruhu tabaaleeyeen.

Maayarka Degmada Burco, Maxamed Yuusuf Muraad iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Aadan Ibraahim (Qabyo), ayaa Madaxweynaha ku xigeenka uga warbixiyey socdaal ay dhawaan ku tageen deegaanada abaartu saamaysay iyagoo halkaasi ka sheegay qisooyin cibro qaadasho mudan oo ay ku soo arkeen dhulkii ay tageen, waxaana ay si isku mida u sheegeen in shacabka abaartu ku dhufatay u baahan yihiin gurmar aan loo kala hadhin oo deg deg ah.

Sidoo kalena Ku simaha Madaxweynuhu waxaa uu ka qeyb galay qalin jabinta Jaamacada Golis faraceeda Magaalada Burco, isagoo ugu horaynba u hambalyey Ardaydii dhammaysatay waxbarashada heerka koowaad ee loo yaqaan (Bachelor Degree) waxaanu ku dheeraaday ahmiyada Cilmigu u leeyahay nolosha aadamaha iyo sida uu uga qeyb qaadan karo horumarka dalka, isla sidoo kalena waxaa uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay Xalaada gurmadka Abaaraha isagoo dadweynaha Somaliland gudo iyo dibad faray in fadhiga looga kaco sidii loo samato bixin lahaa maatida iyo caruurta abaartu saamaysay , waxaanu Shahaadooyinkoodii gudoonsiiyey Ardaydii qalin jabisay. Geesta kalena madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu kulan xog waraysi ah magaaladda Burco kula yeeshay maamulka degmadda Burco iyo ka gobolka Togdheer. Waxaana kulankaas diirada lagu saaray sidii magaaladda Burco uga faa’iidaysan lahayd mashruuca maamul daadejinta dawladaha Hoose ee JPLG-ga loo yaqaano.