Oodashada Dhul-daaqsimeedka oo Xoolaha Gayeysiisay Daaqista Tiinka & Garanwaaga

0
2783

Geedka Tiinka iyo Garanwaaga ayaa dhibaato xoogan ku haya xoolaha, gaar ahaan Geella. Waxaanay labadan geed si xawliya ugu soo badanayaan sanadihii ugu dambeeyay magaalooyinka Somaliland.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa goob kasta ay qabsadeen labdan geed ee Tiinka ah iyo Garanwaaga. Waxaanu geedka Tiinku uu quud u noqday muddooyinkan danbe xoolaha nool iyada oo inta badan uu daaqo Geellu.

Wariye Khadar Maxamed Xaashi oo ka tirsan Wargeyska Dawanayaa warbixin ka diyaariyay arrintan, waxaanu u kuur-galay dhibaatada uu ku hayo geedkaasi xoolaha cuna, waxaanu la kulmay qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee xoolahooda u soo foofiya goobaha uu Tiinkani ka baxo.

Maxamed Gama-diid Cabdi oo ka mid ah dadka xoola dhaqatada ah ayaa ka waramay geedkan tiinka ah iyo dhibtiisa, waxaanu yidhi “Meel qudha oo ay xoolihii daaqaan ma jirto, geed Tiin la yidhaahdo ayaa ka baxay, meel kasta oo aad martaba waa uu ku yaalaa, Geellii afkii ayaa wada go’ay, markaa wasaarada beeraha, ta xanaanada xoolaha iyo ta deegaanka iyo cid kasta oo wax ka qaban karta dhibta geedka Tiinka ah, waxaan leeyahay wax ka qabta xooluhu ilayn waa caynaankii aynu ku nooleyne oo hoos ha noo eegto.”

Mr. Gama-diid, waxa uu mar walba ka fikiraa halka uu xoolihiisa u foofinayo maadaama oo dhul daaqsimeedkii la wada seeraystay oo dad ooteen, waxaanu yidhi “Geedka Garanwaaga Iyo Tiinku waa wax Illaahay inaga shar tiray oo deegaankii iyo dhul daaqsimeedkiiba baabi’iyay, waa masaabiir xoolihii muddeysa, goob kasta oo aad istidhaahdo xoolihii wax bay ka soo cunayaana dad baa ceshanaya oo meel aanu maanta geynaba garanba mayno.”

Sidaas si la mid ah Xuseen Cawaalle Diiriye oo ah oo ah nin xoolo dhaqato ah, ayaa sheegay inay cibaaro ku noqotay oo aanu waligii ku fikirin inuu magaaladda Hargeysa xoolo u daaq-geyn doono.

“Geedkan tiinku dhibaato xooga ayuu xoolaha ku hayaa, oo afkii iyo calooshiiba waa ay bislaadeen, caanihiisu aad uma sii dilna, laakiin hilibkiisa haddii aan markaaba la hagaajin oo aan la farsameyn looma aayayo oo wuu is-bedalayaa, xataa haddii geedo kale oo uu manaafacaadsado meelahaa ka heli lahaa dibintii baa wada go’aysa iyo ciridkii, xoolihii in aanu suuqa u soo foofino waxaa ugu wacani waa dhulkii uu daaqi jiray oo la ooday oo meel aad martaa ma jirto, abaar ba’anina wadanka waa ay ka jirtaa ee dawlada waxaanu ka codsaneynaa in ay wax nagala qabato dhibaatadan na haysata,”ayuu sheegay Mr. Xuseen Cawaalle.

Ismaaciil Ciise Xayir oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha dhinaca deegaanka ayaa waxa uu ka waramay taariikhda geedka Garanwaaga iyo wakhtigii uu wadanka yimid waxaanu yidhi “Geedkan Garanwaaga la yidhaaho waxa uu wadanka yimid sanadkii 1950-kii waxaana keenay Ingiriiska, oo waxaa lagu beeray geedkiisii ugu horeeyay deegaanka Bullaxaar, waxaana loogu beeray ciidda Sanduulista la yidhaahdo ee Badda agteeda ku sameysanta, meeshaasi oo uu ku soo fool lahaa lama degaan, ayuu ninkii Somaliland Ingiriiska u joogay uu dalbaday in geedkaasi la keeno si loogu beero.”

Axmed Haybe Warsame agaasimaha waaxda caafimaadka ee wasaarada xanaanada xoolaha oo isagana aanu wax ka weydiiney dhibaatada geedka Tiinka iyo geedaha kale ee la hal maala, waxa uu yidhi “Geedka Tiinku dhibaato faro badan ayuu xoolaha u geystaa, taasina waxa keenay dadkii xoolaha dhaqanayay oo daajinaya, geedkan laba qodxood ayuu leeyahay oo kala duwan, labadiisa qodxood, qodoxi waa qodox yar yar oo aan muuqaneyn, midna waa mid dhaadheer oo muuqata kuna taalla caleentiisa dhaadheer.”

Agaasime Axmed Haybe isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyay “Labadan qodxood waxa khatar badan ta yar yar ee midhaha geedka tiinka ah ee duusha, afka uu ku cunay ilaa mindhicirkiisa sameyn aad u weyn ayay u geysataa, oo neefkii dacaydii ayaa hoos u go’aysa oo laalaadsameysa, nafaqada uu neefkani ka heli lahaa waxa ka badan dhibaatada ka soo gaadheysa, markaas dadka waxaan odhan lahaa meel kale oo aad geysaanba ka daaya geedkaasi tiinka ah xooluhuna inay le’daan waxa u sabab ah cunistaa geedkan. dadweynaha xoola dhaqatada ah ee xoolahooda quudka uga dhigey geedkan tiinka ah waxaan leeyahay hadii aydaan ka deyn kareyn geedkii waa in aydun u dubtaan si ay qodaxdii uga daadato, oo wax neefkii cuni karo uu u noqdo, markaa xoolaha waa loo meel dayi jiray ee u meel daya.”

Khabiir Ismaaciil Xayir isaga oo hadalkiisa siiwatay waxaa uu intaas ku daray “Geedkan Garanwaaga mar labaad ayaa la keenay wadankeena, oo aheyd markii dagaalkii 1977-kii waxaana laga beeray deegaanka Agabar halkaasi oo ay ku soo qaxeen dad badan oo barakacayaal ah, kana soo qaxay dagaalkaasi, sababta keentay in geedkan la keeno wadanka waxay aheyd kadib markii dadkii dhirta si aad ah u jareen, ayaa Hay’ada qaxoontiga ee UNHCR lagu amray in au dadka u keenaan wax ay shitaan amase geed bixitaankiisu dhakhso badan yahay, markaa mar labaadkii waxaa laga keenay Geedkan Garanwaaga Latin America Iyo Kolonbiya, intaas ka dibna waxaa lagu beeray goobihii ay deganaayeen dadka barakacayaasha ah ee deegaanka agabar taasi ayaa keentay in uu wadanka ku fido.”

Ismaaciil Xayir waxaa uu si kooban u sharaxay faa’iidada geedka Garanwaaga ahi leeyahay “Geedkan Garanwaaga faa’iidadiisa waxa ka mida ciida ayuu joojiya, teeda kale waxa uu yareeyaa daadka rogmanaya laagaha ay sameynayaan, tusaale ahaan dooxa Hargeysa laagana way soo gali jireen isaguna waa uu balaadhnaan jiray, maantana waxa uu noqday dooxu laag yar, inuu laag yar noqdo oo aanu fidina waxaa u sababa Garanwaaga, geedkani faa’iidada kale ee uu leeyahay waxa ay tahay waxa uu badbaadiyay dhirtii la jari jirey oo ay dadku wax ku oodan jireen oo imika isaga uun baa wax lagu ootaa, waxa kale oo laga sameystaa guryaha loo yaqaano Basask, sidoo kale waxa dadku ay ka dhigtaan xaabo iyo dhuxul, xooluhuna waxa ay cunaan kiisa qalalan kuwa bartaana ma daayaan, qof hadii uu nabar soo gaadho caleentiisu dhiiga ayay joojisaa, dhinbiishiisana waxa laga sameeyay cunooyin la isticmaali karo meelaha qaar, diirkiisu aad buu u macaan yahay oo xooluhu way diirtaan, ulo ayaa laga sameystaa, ulaha bileysku rabshadaha kula dagaalamana waa laga sameeyaa, ”
Sidoo kale waxaa uu faahfaahin ka bixiyay waxyeelada u geedkaasi deegaanka u leeyahay waxaanu yidhi “Geedkan Garaawaga dhibaatadiisa waxa ka mida, waxa uu qabsaday dhulkii dooxooyinka ahaa ee cawska iyo dareemadu ay ka bixi jirtay, waxa kale oo uu qabsaday dhul daaqsimeedkii iyo dhulkii beeraha ahaa ee aynu beeran jirnay, waxa kale oo uu qabsada meesha dhirteeda la jaro marka siidhkeedu tago, oo dhirtii dabiiciga aheyd ayuu badelayaa oo bixitaankiisa iyo tarankiisuna xawli ayuu u socdaa, xididadiisuna meel dheer ayay wax ka soo nuugaan, markaana waxa uu sababayaa in biyihii hoose yaraadan, dooxa Hargeysa biyihiisu way badnaan jireen maantana sida biyo looga helaa wey adag tahay, geedku hadh wanaagsan iyo qodaxba waa uu leeyahay ”

Ismaaciil waxa uu hoosta ka xariiqay in geedkan Tiinku yahay geed abaareed lagana faa’iidaysan karo wakhtiga abaarta, waxaanu yidhi “Geedka Tiinku waa geed abaareed, xooluhu waa ay cunaan oo meelaha dhirtu ku yar tahay ayuu inta badan ka baxaa oo marka abaari dhacdo waa laga faa’iideysan karaa, inkasta oo xoolaha cuna ay caanahoodu khafiif yihiin, amase uu dhadhankooda dooriyo.”

Waxaa kale oo aanu khabiirkan wax ka weydiinay geedka Kaligii noolaha iyo sida uu wadanka ku yimid waxaanu yidhi “Geedka Kaligii-Noolahu waa isqorayaal oo cidi mey beerin cidina meesha mey keenin, faa’ido badan ma leh, markuu qoyan yahayna xooluhu waa ay ku xanuusadaan, siidhkiisana dabayshaa qaada oo aad buu u tarmaa, geedkani waxaa uu nabaad guuriyay gabi ahaanba dhul daaqsimeedkii iyo goobihii ay wax ka bixi jireen, markaa geedkani faro baas ayuu wadanka ku hayaa mana heyno awood aynu ku jarno oo aynu kula dagaalano sidii geedkani meesha looga saarilahaa, in xooluhu cunaana waxaa u sababa abaaraha ba’an ee wadanka ka dhacay, hase ahaate shacab iyo dawladba halagu dadaalo sidii loo heli lahaa wax dhaama oo lagu badalo, geedahan nabaad guurka iyo nolol xumada inoo horseeday”