Mudane Reer Sanaag Ah Oo Ex. Wasiir Xirsi Ku Eedeeyey Inuu Musuq-Maasuuqay Lacag Malaayiin Doollar Ah Oo Gobollada Bariga Loo Qoondeeyey

0
1014

“Anigu Xirsi waan ku hadal Cad-caddaa oo runtaan u sheegi jirey, Isaguna Yes-man buu doonayey u foorarsada, waxyaabaha noocaas ayaa kallifayey inuu Xirsi meesha madaxweyne yar ka noqdo…….”

“Toban goor baanu Xirsi madaxweynaha hortiisa isku dilnay oo aanu nidhi Xirsi-ow kuwa aad danta ka leedahay mooyaane kuwa kale qashinkaad ku daraysaa, colaadda uu ninkaasi noo qaadayna garan mayno,”Xildh. Bulqaas

Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo kamid ah mudanayaasha aqalka wakiillada ee laga soo doorto gobolka Sanaag, ayaa si adag cabasho uga muujiyey caddaalad-darro ay deegaannada uu kasoo jeedaa ka tirsanayaan xukuumadda talada haysa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in kala qoqob badan la geliyey shaqaalahooda.

Xildibaan Bulqaas oo warbaahinta la hadlay, ayaa si gaar ah madaxtooyada uga cawday, waxana uu shaaca ka qaaday inaanay wax shaqaale ah ku lahayn madaxtooyada, “Reerka aan kasoo jeedo hal qof oo kamid ahi madaxtooyada kama shaqeeyo, askarta madaxtooyada joogta hal midh kuma lihine sidani ma caddaalad baa” ayuu yidhi xildhibaan Bulqaas.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa  deelqaafka deegaannada uu kasoo jeedaa tirsanayaan bud-dhig uga dhigay wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo uu sheegay inuu horjoogsaday codsiyo badan oo ay madaxtooyada u gudbiyeen, waxana uu yidhi,“Toban goor baanu Xirsi madaxweynaha hortiisa isku dilnay oo aanu nidhi Xirsi-ow kuwa aad danta ka leedahay mooyaane kuwa kale qashinkaad ku daraysaa, colaadda uu ninkaasi noo qaadayna garan mayno, meelaha kale ee uu danta ka leeyahayna madaxweynaha wuu ka saxeexayaa, dhibkaasina wax kale may ahayne xoghaymihiiisa ayuun bay ahayeen.”

Mudane Bulqaas waxa uu intaas ku daray inuu Ex. Wasiir Xirsi si weyn u gacan-togaaleeyey lacagtii 2%-ga ahayd ee loogu talo galay gobollada bariga, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay lacagtaasi tahay midda uu haatan olalaha xisbiga uu ku biiray ka dhex wado,“$30- milyan ama %25-kaa milyan ee lacagta ah Xirsi baa wasiirkii madaxtooyada ahaaye isagaanu ka rabnaa inuu sheego meesha ay lacagtaasi martay, laakiin waa lacagahaas lagu olelaynayo ee meelahaas lagu qaadaa dhigayo, Xirsi-na madaxweynaha wuu hoos dhigi jirey mashruucuu doonayo, laakiin kaayaga qashinkuu ku ridi jirey.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bulqaas.

Xildhibaan Bulqaas waxa uu shaaca ka qaaday in lunsiga iyo xisaab-xumada lacagta 2%-ga ah ee qaranku gobollada bariga hore ugu qoondeeyey keentay inu wasiirkii hore ee madaxtooyadu awood dheeraad ah yeesho, waxana uu yidhi,“Anigu Xirsi waan ku hadal ad adkaa oo runtaan u sheegi jirey, xirsi-na Yes-man buu doonayey u foorarsada, waxyaabaha noocaas ayaa kallifayey inuu Xirsi meesha madaxweyne yar ka noqdo, waxyaalaha Xirsi lagu qaniinayna waxan u malaynayaa inay kamid ahaayeen lacagihii 2%-ka ahaa ee uu siduu doono madaxweynaha uga saxeexi jirey.”