Madaxweynaha Somaliland oo Addis-ababa Kula Kulmay Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo

0
1303

Kulamo dheeraad ah oo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo la yeeshay Madaxda Itoobiya iyo Diblomaasiyiinta fadhigoodu yahay Addis-ababa

Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ee hawlaha shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya ayaa shalay qaabilay wefti uu hogaaminayey Hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, oo booqasho salaan ah ugu tegay.

Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo wefti wehelinaya oo Salaasadii shalay soo gaadhay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa la sheegay inuu wada xaajood u bilaabmay xubnaha Wasiirrada ee booqashada ku wehelinayey Madaxweyne Axmed Siilanyo.
Inkastoo aan tafaasiil dheeraad ah wargeyska Dawan ka helin ajandaha waxa xaajoodka, ayaa dhinaca kale xogaha aanu ka helay sheegayaan in kulanka la soo gebagebayn doono Arbacada maanta haddii EEBE idmo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Siilanyo iyo weftigiisa booqashada shaqo ku jooga dalka Itoobiya, ayaa la sheegayaa inay wada xaajood dhinacyo badan la qaateen madaxd kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya, isla markaana, layskula qaatay iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo labada wadan wadaagi doonaan.
Kulamadan u socday madaxda Somaliland iyo Itoobiya ayaa la sheegay inay ugu muhiimsanaayeen hirgelinta jidka u dhaxeeya dekeda Berbera iyo Wajaalle, oo loo qorsheeyey inay isku wakhti la dhammaadaan, casriyeynta iyo dhismaha dekeda cusub ee Berbera.

Waxa kale oo lagu sheegay in wada xaajoodyada qeyb ka ahayd diyaarinta qorshahii lagu hirgelin lahaa dhismaha waddo tareen oo isku xidha dekeda Berbera iyo caasimada Addis Ababa, lana mid ah jidkii dhowaan laga bilaabay Jabuuti iyo Addis Ababa, sidii laydhka jaban ee Itoobiya looga faa’iidayn lahaa horumarinta dhinaca wershadaha iyo isticmaalka bulshada, taasoo soo laabashada weftiga Madaxweyne Siilanyo magacaabi doono guddi Wasiirro qaabilsan dhamaystirka heshiisyada labada wadan wada gaadheen.Madaxweynaha Somaliland waxa Sabtidii todobaadkan ku qaabiley xafiiskiisa Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn.

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Silaanyo waxa uu shahaado sharaf ka turjumaysa arrimaha dhinaca nabadgelyada iyo xidhiidhka, walaaltinimo derisnimo, iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dawladeed awgeed uu gudoonsiiyey Raysal Wasaaraha dalka Itoobiya, Mudane Hailemariam Desalegn, oo madaxweynaha qaranka Somaliland ku qaabiley soo dhawayn heer caalami ah, isagoo ku soo boqday hotelkii uu ka deganaa dalka itoobiya madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo oo casho sharaf loogu martiqaaday loogu sameeyey safaarada Ingiriisku ku leedahay dalka Itoobiya habeen hore, ayaa la saadaalinayaa in isaga iyo weftigiisu dib ugu soo guryo noqdaan dalka Khamiista beri.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa maalintii shalay kullan dheer la qaatay guddoomiyaha xisbiga EPRDF ee dalkaasi ka taliya. Waxayna ka wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka labada xisbi ka dhaxeeya iyo sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen kor u qaadida xidhiidh labada dal, ugana caawin lahaayeen xisbiga Kulmiye dhinacyada tababarada.

Weftiga madaxweynaha waxa xubno ka ah Marwadda koowaad Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirrada Arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.