Guddida Diiwaan-gelinta oo Xayirtay Shirar Garabyada UCID Ku Kala Qabsanayeen Hargeysa

0
1139

“Shirkayagu waa sharci waxaanan qabsanaynaa Isniinta, cid joojin kartaana ma jirto, Ina Ciyaalle iyo Guddidiisana uma taallo” Faysal Cali Waraabe
“Shirkan Faysal ku dhawaaqay waa bar kuma taal, mana aha mid sharciya ee waxa uu u baahan yahay in xisbiga iyo dalkaba laga badbaadiyo” Cali Guray

Khilaafka awood kala maroorsiga ah ee hagaasiyay xisbiga mucaaridka ah ee caddaaladda iyo daryeelka ee UCID, ayaa gaadhay marxaladii ugu xumayd oo qarka u saaran in lagu dagaalamo xisbiga dhexdiisa, ka dib markii ay labada garab ee ay kala hoggaamiyaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Murrashax Jamaal Cali Xuseen, ay kala iclaamiyeen laba shir weyne oo aan caadi ahayn oo iska soo horjeeda oo ay doonayaan inay ku kala qabsadaan Magaaladda Hargeysa 6-da iyo 7-da Bishan.

Tallaabadaas werwerka leh ayaa sababtay in Guddida diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranku ay soo saaraan go’aan ay ku joojinayaan labadaas shir oo ay labadaba ku tilmaameen inay sharci darro yihiin oo ay ka hor imanayaan Go’aankii ay maxkamadda sare ka soo saartay dhawaan khilaafka loo maaro waayay ee xisbigaasi muddo la soo noolaa.

Sidoo kale, labada garab ee xisbiga isku haya ayaa midna taageeray go’aanka Guddida diiwaan-gelinta ka soo baxay Arbacadii shalay, halka garabka kale ee uu hoggaamiyo Hoggaamiyo Faysal Cali Waraabe, ay gaashaanka ku dhufteen amarka Guddida, kuna adkaysteen inay qabsanayaan shirkii ay muddeeyeen.

Haddaba, Weriyeyaasha wargeyska DAWAN ee kala ah Khadar Maxamed Xaashi iyo Khadar Maxamuud Cismaan (Dhako), ayaa warbixintan ka diyaariyay dhacdooyinkii u dambeeyay ee la xidhiidha khilaafka sii xoogeysanaya ee xisbiga UCID, warbixintaasina waxay u dhignayd sidan:-
“Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa khilaafkiisu gaadhay marxaladii ugu xumayd, taasi oo sababtay in Guddida diiwaan-gelintu ay ku kala furato amar ay ku xanibtay labadan shir oo labada garab kala muddeeyeen inay toddobaadka fooda innagu soo haya ku kala qabsanayaan Hargeysa.

Amarka Guddida Diiwaan-gelinta
Guddoomiyaha guddida diiwaan gelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirisaaq Ciyaale, ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID isaga oo uga digay inay qabtaan shir baalmarsan shirkii maxkamadda sare go’aamisay in labada garab ee xisbiga awoodiisa ku muransani ay ku qabtaan muddo lixdan maalmood gudahood ah si looga ansixiyo heshiisyadii ay wada galeen.

Guddoomiyaha Guddida diiwaan-gelintu waxa uu intaas ku daray inay joojiyeen labada shir ee iska soo horjeeda oo ay kala iclaamiyeen in la qabto labada garab ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan shirarka sharci darrada ah muddada ka horaysa wakhtigii maxkamaddu u cayintay.

Guddidu waxay sidaasi ku sheegeen war-saxaafadeed ay shalay soo saareen oo uu warbaahinta u akhriyay Guddoomiyahoodu. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

“Guddida diiwaan-gelintu waxay faraysaa labada garab, ee xisbiga UCID inay joojiyaan labada shir ee ay ku kala dhawaaqeen oo aanu midina waafaqsaneyn sharciyada. Waxa la qaban karaa oo kaliya shirkii ku xusnaa qaraarkii maxkamada sare inta aanay dhammaan mudadii lix-danka cisho aheyd ee ay cayintay. Sidaas darteed, waa in labada garab ay u hogaansamaan awaamirta ay soo saartay guddidu.

Guddidu waxay xisbiyadda ku dhaqdaa, kuna ilaalisaa shuruucda qaranka iyo kuwa ay dhigteen. Markaa qaraarka maxkamadda sare ka soo baxay waxa uu u dhigan yahay oo la mid yahay sharci, sidaas darteed waxaanu leenahay hala dhawro shuruucda qaranka hana lagu ekaado waxaa uu sharcigu idiin baneeyayay, shirka go’aanka maxkamadda sare ku jiray ee ah shirweyne aan caadi aheyn, oo ku xusayn heshiiskii labada garab mid aan aheyn lama qaban karo, lagumana baaqi karo.”
Guddoomiyaha UCID
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ganafka ku dhuftay go’aanka guddida diwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta qaranku ay ku joojiyeen shirarka labada garab ee xisbiga UCID ay kula baaqeen.

Faysal Cali Waraabe oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in guddida diwaan-gelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta qaranku aanay awood u lahayn in ay joojiyaan go’aankii maxkamadda sare soo saartay ee ku wajahnaa in shirweyne aan caadi ahayn uu qabsado xisbiga UCID. waxaana uu tilmaamay in aanay jirin cid joojin karta shirka aan caadiga ahayn ee ay qabsanayaan.

“Guddida diwaan-gelinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaanu racfaan ka qaadanay, maxkamadda sare ayaan u qaadanay rafcaankaas, go’aan ayay soo saartay maxkamadda sare, qaraarkaas oo ah in la raaco xeerka xisbiga, shirweyne aan caadi ahayna la qabto oo la raaco qoddobka 12 faqradiisa saddexexaad. shirkii ayaanu annagu ku soconaa, go’aankii maxkamadda ayaan fulinaynaa,”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.

“Guddida diwaan-gelinta arrintu waa ka timid, guddoomiyaha guddida diwaan-gelintu isaga ayaa sheegi halka uu bilaa sharciga ku noqday shirweynaha xisbiga UCID. Arrintani (shirweynaha) uma taallo guddida diwaan-galinta, shirweynihii aan caadiga ahayn ee xisbiga UCID wuxuu qabsoomayaa 7-da Bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ah, cid joojin kartaana ma jirto,” ayuu ku adkaystay Faysal Cali Waraabe, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Guddida diwaan-gelintuna awood uma laha ay ku joojiso qaraarka maxkamadda, sharci ayaanu ku taaganahay mana aha wixii marfish lagu soo sheekaysto in lala yimaado saxaafadda.”

“ Sharci ayuu dalku ku socdaa, haddii sharciga lagu socon waayana, gacmaha ayaa la iskula tagayaa, markaa meel uu ka soo galaa ma jirto ina Ciyaale iyo guddidiisu, qaraarka maxkamadda sare. mana soo faro gelin karo go’aanka maxkamadda, xeerkayagu waxa uu qorayo ayaanu ku soconaa, xeer uu dusha nalagaga keeni karaana ma jirto,” ayuu doodiisa ku soo gabo-gabeeyay Guddoomiyaha xisbiga khilaafku hadheeyay ee UCID.

Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad:
Geesta kalena, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee UCID, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka tirsan garabka la safan Murrashax Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay Eng. Faysal Cali Waraabe.
“Shirka nalooga baahan yahay inaanu qabanaa waa shirka maxkamadda sare xukunkeeda ku jira, horena ay u gaadhay guddida diwaan-gelintu, kuna jira heshiiskii labada dhinac wada galeen 2012-kii. shir aan kaa aheyni waa qayrul sharci, shirkan uu imika isagu (Faysal) ku dhawaaqay waa been, oo waa bar kuma taal, mana aha mid sharciya, waxaan u qabaa inuu Faysal sharciga ka weyn yahay, oo sharciga ka sareeyo, oo maxkamadda sare ka sareeyo, oo guddida diiwaan-gelinta ka sareeyo,”ayuu yidhi Cali Guray.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in Guddoomiyaha UCID u socdo Muqdisho, isla markaana loo baahan yahay in laga badbaadiyo xisbiga, waxaannu yidhi “Dadkeennu nin dharkii xidhan baa waalan ma aqbalayaan, ee ninkani waa waalan yahay, xisbigana in laga badbaadiyo weeyaan, dalkana in laga badbaadiyo weeye, nusasaace ka hor (shalay) Xamar baa la igala soo hadlayay nin qudha ayaa Hargeysa iyo Muqdishaba waaley oo waa Faysal Cali Waraabe, Muqdisho ayuu u socdaa, qaarka mida golaha Wasiirrada Xasan Sheekh ayuu Jabuuti kula kulmey, waxay is yidhaaheen ayaan hayaa, dalka ayaanu burburinayaa oo dadka burburinayaa, waxaanu leenahay ninkan xisbigani ha laga badbaadiyo sharciguna ha sareeyo oo ha shaqeeyo.”

“Go’aanka aan ku dhawaaqay waa sharci darro, ka Maxkamadda oo kaliya ayaa sharciya, ka maxkamaduna waxay waafaqday ka guddida diwaan-gelinta, shirkuna shir muran geli kara maaha, mana shaqeyneyso waxa uu Faysal sheegay,” ayuu ku dooday Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID.

Ma jiraan illaa imika ergo dhexdhexaadin ka dhex bilowday labada garab ee xisbiga UCID isku haya oo khilaafkoodu haddii aan la furdaamin isu rogi karto dhibaato saamayn taban ku yeelata nabad-gelyadda dalka iyo sumcadda dimuqraadiyadda Somaliland.”