Wada Hadalo U Bilaabmay Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cali Khaliif Galaydh

0
1175

Waxa shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka bilaabmay wada hadalo u dhexeeya kooxda Khaatumo iyo weftiga Madaxweyne Siilaanyo.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Cali Khaliif oo gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu shalay kulamo la yeeshay wefti wasiiro ah oo la socda Madaxweyne Siilaanyo waxaana arrintan ka shaqaynaysa dawladda Itoobiya oo door muuqda ka ciyaaraysa sidii nabad aslaaxdaa uga dhici lahayd gobalada bari ee dalka.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa la filayaa inay iyaguna maanta kulan toos ah yeeshaan, kaas oo fure u noqon kara hirgelinta heshiis dhex mara Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo Cali Khaliif Galaydh.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay wada hadaladan oo hadda bilow ah.