Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ee UCID muj. Cali Curay waxaa uu ka hadley digniin ay maanta gudida diwaangalinta Ururada siyaasigu u kala direen labada garab ee xisbigaasi

Muddane Cali Guray waxaa uu si kal iyo laaba ah u soo dhaweeyey digniintaasi ay gudidu soo saartey waxaana uu xusay in garabkoodu ay fulin doonan isaga oo Faysal Cali Waraabe na ugu baaqay in aanu sharciga ka weyneen.

Sidoo kale Muj.Cali Guray ayaa waxaa uu sheegay in gudoomiyaha xisbiga UCID xidhiidh toos ah la leeyahay dalka Somaliya isla markaana qorshisiisu yahay in uu Somaliland iyo xisbiga UCID ba sii baabiiyo