Sayladda Xoolaha Ee Magaalada Hargeysa Diyaarintii: Xamda Yusuf Adem

0
1661

Dhaqaalaha jamhuuriyadda soomaaliland ayaa waxa lafdhabar u ah xoolaha nool kuwaa si oo ka kooban lo’, adhi iyo geel.

Hadaba mar aan booqday saylada magaalada hargaysa ayaa waxaan la kulmay dumar badan oo ganacsato ah kuwaasi oo ii sheegay in ay ku shaqaystaan xirfada dilaalanimada waxaanay iftiimiyeen in ay dumarku door mihiim ah ku leeyihiin ka ganacsiga xoolaha nool laga soo bilaabo dhaqashada ilaa ibintooda. Dhanka kale, saylada magaala da hargeysa oo ah saylad weyn ayaa waxay ka mid tahay sayladaha ugu waa wayn dalkan jamuuriyada somaliland taasi oo dalka ku soo kordhisay shaqo abuur balaadhan oo ay bulshadu ka heshay siiba dadka danyarta ah dumarka saylada ka shaqeeya ayaa leh xirfado kala duwan sida dumarka hilibka qala, dumarka cawska keena, dumar dilaaliina ah oo xoolaha inta ay iibsadaan dibna u sii iibiya iyo wixii la mid ah.

Sanadkan ayaa waxa xoolo dhaqatada soo food saartay abaaro dabo dheeraaday oo saameeyay dhaamaan dalka guud ahaan taasi oo sababtay in xoolihii macalqabad ka ahaa ee loo iibkeeni jiray sayladaha dalka ay aad u yaraadaan taasi waxay dhaxal siisay in hoos u dhac ku yimaado dhaqaalaha wadanka.

Dumarka dilaaliinta ah ayaa waxay ku shaqaystaan xirfad iyaga u gaara oo aan ganacsiga kale lagaga shaqaysan taasi oo aanu fahmi karin qof ku cusub saylada xoolaha laakiin ay iyaga dhex dooda oo kaliya is fahmaan .Saylada xoolaha ee magaalada hargeysa ayaa waxaan ku soo arkay arrin aad u cajiiba ah taasi oo ahayd in aanad fahmi karin labada dilaal ee xoolaha kala iibsaday inta ay kala siisteen laakiin marka ay dhamaystaan uun laguu sheegayo adiga inta lagaa siisanayo neef ka xoolaha ee aad wadato.

Walaw ay dumarka ka shaqeeya saylada xooluhu ay wakhti badan joogaan oo khataro badanina ku xeeran yihiin waliba marka ay subixii soo kalahayaan oo qaarkooda ay ka soo toosaan goobo aad uga durugsan saylada xoolaha hadana waxay kala soo baxaan quutal daruuriga qoysaskooda.

Sidoo kale waxa jira caqabado u gaara dadka ka ganacsada saylada kuwaasi oo ay ka mid yihiin in shirkadaha ka iibsa da xoolaha ay iyagu goostaan qiimaha neefka ay siisana yaan cidana aanay ka hadli karin isla markaana ay ku khasaaraan dadka danyarta ahi waayo waa suuqa ugu baaxada wayn ee ay haystaan dadka ka ganacsada xoolaha nooli. Sidoo kale na waxa ay ii sheegeen in aan laga iibsan neefka iinta leh ha noqoto mid finan leh, ama ka tamarta daran iyo kii xanuun laga dareema ba islamarkaana ay raga lafti goodu caqabad ku yihiin maadaama ay uga soo horeeyeen suuqa ka ganacisa ga xoolaha oo ay ka xirfad badan yihiin ka na orad badan yihiin.

Hadaba bulshada somaliland waxa lagu qiyaasaa in boqol kii ba lixdan ay dumar yihiin waxaanay dumarku ku jiraan dhamaan ganacsiga noocyadiisa kala duwan kana waa mid ka mida ganacisyada ay dumarku ugu tirade badni ku jiraan.

Hadaba dumarka saylada joogaa waxa dawlada uga baahan yihiin in loo sameeyo kab dhaqaale marka ay dayntu ku go’do oo kale sii aanay uga bixin saaxada ka ganacsiga xoola ha nool maadaama ay dumarka ku tiirsan yihiin qoysas tiro badani.

Isla sidoo kalana waxa ay soo jeediyeen in cashruuta marba marka ka danbaysa lagu kordhiyo taasi oo aanay tahli karayan in ay iska bixi yaan dadka danyarta ahi.

Guntii iyo gabo gabadii maqaalkan saylada magaalada Hargeisa waa goob ganacsi kana soo baxaan dhaqaale tiro badani xiliyada aanay abaaruhu jirin in kastoo ay sayladani shaqayso xili kasta hadana suuqa ugu badani waxa uu jiraa xiliga xajka.