Madaxweyne Siilaanyo Oo Galka Seefta Ka Saaraya Isla Markaana Magacaabaya Wasiiradii Oloolaha Kulmiye Ee Doorashada + Masuulyiinta Safka Hore Kaga Jira.

0
1339

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu isku shaan-dhayntii ugu cuslayd ku sammayn doono Xukuumadiisa taasoo la filayo inay saamayn weyn ku yeelato Masuuliyiinta ugu shilis Xukuumada ee haya Xilalka Wasiiradda Wasaaradaha Darajada koowaad.

Isku shaan-dhayntan oo bud-dhigeedu yahay Xukuumaddii Kaamabaynka ama Olalaha Doorashada fooda inagu soo haysa ee Xisbiga Kulmiye ayaa loo tiranayaa in Xubno ka tirasan Golaha Wasiiradda ee hadda jooga ay waxyeelo iyo caqabad ku hayaan hanaanka Olalaha Doorashada ee Xisbul Xaakimka Kulmiye, waa sidda uu Aminsan yahay Hoganaka Xisbiga Kulmiye.

Wasiirada la filayo in seeftu Madaxweynuhu galaafato ayay warar xog-ogaalka ahi sheegayaan in safka hore ay ku jiraan Wasiirada Caddaalada, Qorshaynta, Madaxtooyada, Warfaafinta, Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga, Hantidhawrka, Maamulwanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa, Wasiirudawlayaal iyo Agaasimayaalba.

Wasaarada ugu awooda badan dalka ee Wasaarada Madaxtooyada ayaa la filayaa in loo bedelo Wasiirka Waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habane sida la sheegay qalqaalkeeda uu dabada ka riixayo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna Murashaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi, ka dib khilaaf aan wali soo shaac bixin oo ku kala dhex jiray isaga iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi  oo sida la sheegay safarkii Madaxweynaha ee London ka dalbayd Guddoomiye Muuse inuu u cumaamada Xilka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Isku shaandhaynta Xukuumada ayaa loo dheg taagayaa ka soo laabashada safarka Madaxweynaha ee Dalka Ethiopia, inkasta oo la filayey in ay soo baxdo intii aanu madaxweynuhu u bixin Itoobiya balse  Safarkiisi uu ka soo dhex gallay.