Khilaaf Hab Beeleed Ku Salaysan Oo Soo Kala Dhex-galay Siyaasiyiintii Dimuqraadiyad-diidka ee Ka Cadhooday Shirkii WADDANI

0
999

Siyaasiyiinta dimuqraadiyad-diidka ah ee faro ku tiriska ah isla mar ahaantaana ka cadhooday shirkii uu dhawaan Xisbiga WADDANI ku qabsaday magaalada Hargeysa, ayaa maalmahii ugu dambeeyey uu soo kala dhex-galay khilaaf aad u xoogan oo sababay in ay burburaan ka dib markii ay isku mari waayeen qaab siyaasaddeedka ay u mucaaradiyaan sida oo kale na ay u la garnaqsanayaan Xisbiga WADDANI oo mid walba uu hoosta ku watay dano gaara oo beelaysan.

Khilaafkan iyo burburkan soo kala dhex-galay siyaasiyiinta dimuqraadiyad-diidka ah ee la magac baxay toosinta WADDANI, ayaa sida oo kale la arkaayey iyaga oo maalmahii ugu dambeeyey shirar gooni gooni ah ugu kala qabsanaayey gudaha magaalada Hargeysa, waxaana ay u kala ja-jabeen qaab beeleedyo ay intii isku hayb ahi ba gaarkeeda isku raacday isla mar ahaantaana ku doonayso sad bursiimo gaara iyo weli ba isku mari waa ay isku khilaafeen saami qeybsiga dhaqaale aan sidaas u buurneyn oo Ganacsade Maxamed Aw-Siciid uu soo gaadhsiiyey duul duulkeeda.

Sida aynu ka warqabno siyaasiyiintan faro ku tiriska ah sida oo kale na u adeegaya Xisbiga KULMIYE ee dimuqraadiyad-diidka ah, ayaa hore waxa ay hoggaan ugu magacaabeen in uu u yahay guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga WADDANI ee dibad wareega ah Axmed Muumin Seed balse khilaafaadka beelaysan ee soo kala dhex-galay awgeed illaa hada ma jiro wax shir ah oo ay iskugu yimaadeen.

Siyaasiyiintan, ayaa wakhti xaadirkan ku kala irdhoobay cadho iyo khilaafaad soo kala dhex-galay, waxaana xusid mudan in Axmed Muumin Seed uu dibad-wareeg ku yahay magaalada Berbera, halka kuwa kale ee iyagu na ka tirsan garabkaas dimuqraadiyad-diidku ay iyagu na kala joogaan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, ka dib markii khilaafkii soo kala dhex-galay ay u taag iyo maaro waayeen.