Jamaal Cali Xuseen oo Qirtay in Isaga iyo Garabkiisu Ay Ka Tashanayaan Ka Sii Mid Ahaanshaha Mustaqbalkooda Siyaasaddeed ee Xisbiga UCID

0
1255

Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, oo sida ay hore u qortay Warbaahinta Heegan-News , aanu warar xog-oggaal ah ku helnay in uu hankiisa Murashaxnimo uu u sadqeynaayo Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa waraysi gaara oo uu caawa fiidkii siiyey shabakadda Hadhwanaagnews, waxa uu si toos ah uu ugu qirtay in isaga iyo garabkiisu ba ay ka tashanayaan sii joogitaanka Mustaqbalkooda siyaasaddeed ee Xisbiga UCID.
Murashaxa hankiisii sadqeeyey ee Jamaal Cali Xuseen, ayaa arrintan ku sababeeyey in Xisbiga UCID uu Murashax Madaxweyne ka yahay Faysal Cali Waraabe isla mar ahaantaana la carqaladeeyey go’aankii Maxkamadda sare, waxaana uu tibaaxay in wakhti xaadirkan waxa ay yeelayaan ay tallo iskugu noqonayaan isaga iyo garabkiisii.
“KULMIYE, waa Xisbigii aanu is haynay markaa weli waxa aanu eegaynaa mustaqbalka Xisbiga yaga, tallo ayaana aanu ku jirnaa weli, dhibbaatadu na waxa weeye xukunkii Maxkamadda ee aanu islahayn ha la fuliyo ayaa carqalad la geliyey oo Faysal Cali Waraabe waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay Murashax aan Maxkamaddii sare na wax tallaabo ah ka qaadayn, markaa tallo ayaanu ku jirnaa”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu hadalo gef iyo deel qaaf ah uu kula dul kufay Maxkamadda sare ee Somaliland oo uu ku eedeeyey in ay gartii Xisbiga UCID u xukuntay qaab cadaalad darro ah oon kala saarayn dhinacyaddii isku hayey khilaafka Xisbigaasi, waxaana uu yidhi:
“Go’aanka Maxkamaddu wuxu noqday Caydiid Garleh, Cali Mahdi Garle oo ahaa xukun qarboosh, wax hagaagsana muu ahayn, go’aan cadaali ahna muu ahayn se waa Maxkamaddii ugu sarreysay oo in aanu go’aankeeda qaadanaa waa nagu waajib, gartu siddii ay ahayd na waxa ka xukun wanaagsanaa oo ka cadaalisanaa tii guddida ururrada siyaasadda, laakiin qoladani waa nimanka yidhi ergada imanaysaa waa ergadii shirweynahii 2012kii oo berigaa Xisbiga ba kumaanan jirin anagu, dhibbaatada jirtaana waxa weeye marna xeerka Xisbiga ayey qaadanayaan marna waxa ay qaadanayaan heshiiskii.”.
Ugu dambeyn, dhawaan ayey ahayd markii Jamaal Cali Xuseen uu boggaadinaayey go’aankii ay Maxkamaddu ka soo saartay khilaafka Xisbiga UCID balse waxa su’aal mudan in la is weydiiyo sababta keentay in maanta oo la taagan yahay qabashadii shirka aan caadiga ahayn ee UCID in uu Jamaal cadaalad darro ku eedeeyo go’aankii Maxkamadda?. Waxaana arrintan ay falanqeeyayaal siyaasadda ahi ku tilmaameen mid uu Jamaal ku dib(dabo) qarsanaayo heshiiska qarsoodiga ah ee uu Murashaxnimaddiisa uu ugu sadqeeyey Murashaxa KULMIYE oo go’gal xaadh uu ku sii dhiganaayo cayda iyo aflagaadada Maxkamadda sare.