Jamaal Cali Xuseen Oo Beeniyey Warar Ku Xidhiidhinaya Xisbiga KULMIYE Iyo Dedaalka Xubno Ku Hawlanaa Tanaasulka Jamaal Oo Hungo Ku Dhamaaday

0
1004

“Xukunkii Maxkmadda Sare Xukun Qarboosh Ayuu Ahaa, Xukun Hagaagsan Muu Ahayn Waxaana Muuqatay Inay Go’aamada Loo Yeedhinayay” Jamaal Cali Xuseen

Murashaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa beeniyey warar la isla dhexmarayay warbaahinta qaarkeedna ay qortay kuwaasoo sheegayay inuu heshiis is-afgarad ahi dhexmaray isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin haba yaraatee sidoo kalena waxa uu sheegay inuu KULMIYE yahay xisbiga dagaalka adag isaga la galay macquulna aanay ahayn inuu hankiisa u sadqeeyo.

Murashaxa Madaxwaynaha UCID ayaa isagoo arrimahaas ka hadlaya beeniyey inuu magdhaw iyo wax la mid ah ka qaadanayo xisbiga KULMIYE waxaana uu yidhi:

“Wararkaas waa warar aan waxba ka jira mida kale KULMIYE waa kii aanu is haynay anaguna waxaanu eegaynaa mustaqbalka xisbigii aanu wadnay, dagaalkan nalooma yaraysan oo aadba na loola dagaalamay markaa arrimahaas xisbiga KULMIYE igu xidhiidhinaya iyo arrimaha lacagta iyo waxaas ka hadlaya (in magdhaw la i siinayo) wax allaale iyo wax ka jiraa ma jiraan”

Geesta kale Jamaal Cali Xuseen ayaa markii ugu horaysay dhaleeceeyey go’aankii maxkamadda sare ka soo saartay khilaafka xisbiga UCID waxaana uu ku eedeeyey maxkamadda sare inay qaadatay go’aamo samada looga yeedhiyey.

Waxa uu ku dooday inay Maxkamadda sare soo saartay xukun cadaaladda ka fog intuu doono waxaana uu xusay inay maxkamaddu cuskatay go’aamo garabkiisa liddi ku ah iyo inay u seeto dheeraysay Faysal Cali Waraabe oo iminkadan siduu sheegay sharci jabin ku socda waxaana uu yidhi:

“Go’aankii Maxkamaddu wuxuu noqday Cali Mahdi gar leh, Caydiidna gar leh xukun qarboosh ayuu ahaa xukun hagaagsana muu ahayn , xukun caddaali ahna muu ahayn runtii, waa maxkamaddii ugu saraysay go’aankeeda inaanu qaadanaa waa nagu waajib laakiin waxaa ka xukun wanaagsanaa oo ka cadaalisanaa guddigii diiwaangalinta laakiin nimankani waa kuwa yidhi ergada shirwaynaha imanaysaa waa ergadii shirwaynihii 2012-kii barigaa xisbigaba kumaanaan jirin markaa dhibataadu waxa weeyaan marna xeerka xisbiga ayay qaadanayaan marna heshiiskii, haddii ay xeerka xisbiga eegayaan maxay u eegi waayeen shirkii la igu doortay ee xeerka xisbiga ah, markaa waxaad moodaa inay far badani ku jirtay oo loo soo yeedhinayay go’aamada laakiin anagu sharafta ayaanu ka qaadanay laakiin dhibaatadu waxa weeyaan ninkiiba xukunkii maxkamadda sare jabiyey talaabana way ka qaadi wayday, ta ugu wayni waa taas, xukunkii qarbooshka ahaa ee aanu aqbalnay ayaa uu Faysal Cali Waraabe jabiyey oo Musharaxnimo aanu ahayn sheegtay oo uu kaligii shirkii ku dhawaaqay, maxkamaddii sarena illaa maanta way ka aamusan tahay oo go’aan kamay qaadan taasoo ku tusaysa inaany meesha cadaaladi ka jirin” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen oo waraysi siiyey shabakadda Hadhwanaag News.

Waxaa xusid mudan xubno miisaan leh oo ka soo jeeda beesha Habar Awal inay guclo ugu jireen sidii ay u heshiisiin lahaayeen Jamaal iyo Muuse Biixi, waxaana aad mooda inuu isku daygaasi hungo ku soo dhamaaday.