Ciidamada Booliiska Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil Oo Toogtey Nin Dirawal Ah

0
1336

Wararka ka imanaya gobolka Saaxil ayaa sheegaya in ciidamadda ka hawl-gala kaantaroolka dhinaca Berbera uga soo baxa degmadda Sheekh ay toogteen nin baabuur watay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ninkaasi la Toogtay Xalley kadib markii ciidamada Kaantaroolku ay xabad ku fureen.

Waxaa la sheegayaa in Gaadhigaasi ay saarnayeen Dadkale oo ku socday Gobolka Sool.

Warar qaar ayaa sheegaya in ninka baabuurka watay uu si xoog ah ku dhaafay Birta Kaantaroolka, kadib-na ay ciidamadu rasaas ku fureen sidaas-na uu ku dhintay.

Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa wax faahfaahin ah kasoo saarin ninkaasi lagu Dilay Kaantaroolka Magaalada Berbera.