Cali Khaliif Oo Socdaal Kedis Ah Ugu Baxay Dalka Itoobiya Oo La Sheegay Inay Madaxwayne Siilaanyo Ku Kulmi Doonaan

0
939

Safarka Cali Khaliif Wuxuu Ku Wajahan Yahay Muqdisho, Addis Ababa Iyo Nairobi

Cali Khaliif Galaydh, hogaamiyaha kooxda Khaatumo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa u duulay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Cali Khaliif iyo waftigiisa ayaan ujeedadiisa saxda ah la ogayn balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu halkaas kula kulmi doono Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sidoo kalena waxay wararku sheegayaan inuu u sii gudbi doono dhinaca dalka Kenya.

Cali Khaliif ayaa ka hor intii aanu ka duulin garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu ku horayn doono magaalada Muqdisho balse uu safarkan kediska ahi ku wajahan yahay dalka Itoobiya gaar ahaana Addis Ababa.

Ma jirto xaqiiqooyin muujinaya inuu safarka Cali Khaliif qayb ka yahay wadahaladii kooxda nabadiidka ah ee Khaatumo iyo dawladda Somaliland balse warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya inuu kulan gaar ahi dhex mari doono Cali Khaliif iyo Madaxwayne Siilaanyo. Sidoo kale ma cadda ujeedada socdaalka uu sheegay inuu Xamar ku tagi doono oo ah mid aan rasmo ahayn.