“Amma Jeclow Amma Ha Jeclaan Hadii Jamaal Madaxwayne Noqon Waayo In Muuse Biixi Indhahaaga Oo Shan Ah Uu Madaxwayne Noqon Doono Ku Bishaarayso”. Cali-Guray

0
1064

Siyaasiga Cali Yuusuf (Cali-Gurray),ayaa dhinaciisa markii ugu horaysay si dadban u xaqiijiyay wararka suuqa ku jira ee sheegaya in isaga iyo Jamaal Cali Xuseen ay guntigga u xidhanayaan sidii ay u dhisi lahaayeen Musharaxa Jagadda Madaxweyne ee Xisbigga muxaafadka ah ee KULMIYE oo ay muddo dheer mucaarad-nimmo xooggan kala soo hor-jeedeen,balse hadda u muuqata inay hab-beeleed taageeradooda ugu leexinayaan,iyaga maanka ku haya awoodda maalinba maalinta ka danbaysa sii kordhaysa ee uu yeellanayo Xisbigga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Qoraal kooban uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee FACEBOOKA,ayaa waxa uu si cad ugu sheegay in hadii uu Jamaal Cali Xuseen Madaxweyne noqon waayo,cidda kaliya ee madaxweyne noqonaysaa ay tahay Muuse biixi Cabdi,taas oo ay dadka siyaasadda faalleeyaa u turjumteen inay muujinayso taageeradda uu siinayo Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba,qoraalka Cali-gurray,ayaa u dhignaa sida tan : “Amma Jeclow amma ha jeclaan hadii Jamaal Madaxwayne noqon waayo in Muuse Biixi indhahaaga oo shan ah uu Madaxwayne noqon doono ku bishaarayso hadii Alleh yidhaa with slide victory”,ayuu yidhi Cali-gurray