Siyaasiyiin & Taageereyaal Xisbiga KULMIYE Kaga Biiray Gabiley

0
1055

Xubno isugu jiray siyaasiyiin, maayaradii hore ee degamadda Gabiley, qaar ka mid ah xildhibaanadii hore ee golaha degaanka Gabiley xildhibaanadda hadda jooga ee ka soo baxay xisbigayadda UCID iyo WADDANI iyo ururadii dhacay ee ka qayb qaatay doorashadii goleyaasha degaanka ayaa shalay ku biiray xisbiga KULMIYE.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay xubnahaasi kala duwan ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE oo shalay lagu qabtay magaaladda Gabiley ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweyne C/raxmaan C/laahi Ismaaiil (saylici), guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka wershadaha iyo wasiirka beeraha, iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyaradda. Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay badhasaabka iyo maayarka Gabiley, masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee gobolka Gabiley, xubnaha ka soo baxay xisbiyadda WADDANI iyo UCID, madax dhaqameed, odayaal, cuqaal, siyaasiyiin iyo boqolaal taageereyaal.

Wasiirka wasaaradda wershadaha Shucayb Maxamed Muuse, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xubahan ku biiray xisbiga KULMIYE in ay miisaan culus ku soo kordhianyaan xisbiga, isla markaana ay ku jiraan rag taariikh weyn wadanka ku leh.
Waxaanu wasiirku ku soo dhaweeyay xisbiga KULMIYE siyaasiyiinta iyo taageereyaasha ku soo biiriyay cududoodda. Isagoo arrimahaasi ka hadlayay-na waxa uu yidhi “Waxaan soo dhawaynayaa xubnahan miisaanka culus, maayaradii hore, masuuliyiintii hore, xildhibaanadii hore ee golaha degaanka Gabiley, iyo xubnahan kale-ba, waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad ugu maahdsan tihiin.
Waxaanad miisaan culus ku soo kordhinaysaan xisbiga KULMIYE, waxaana ku jira rag taariikhdoodda la yqaano, waxaanan leenahay soo dhawaadda, laga bilaabo maanta (shalay) waxaad ka mid tihiin xisbiga KULMIYE, la idinkama laha, ku soo dhawaadda gacmo furan, taladiisa iyo tusaalihiisaba”.

Geesta kale wasiir Shucayb, waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xubno ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu ku hambalyaynayo siyaasiyiinta iyo taageereyaasha ku soo biiray KULMIYE. Waxaanu yidhi “Waxaan marka hore ku soo dhawaynayaa xisbiga KULMIYE madaxda halkan fadhida, ee ah guddoomiyeyaashii kala danbeeyay ee degmadda Gabiley soo maray, xildhibaanadda golaha degaanka ee isugu jira goleyaashii degaanka ee hore iyo kuwa imika joogaba, ee maanta (shalay) ku soo biiray xisbiga KULMIYE. Sidoo kale xubnaha xildhibaanadda ah ee ka soo baxay xisbiyadda UCID iyo WADDANI, aad iyo aad ayaan ugu hambalyay-nayaa in ay KULMIYE ku xoo biiraan. Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KULMIYE, aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa. Xisbiga KULMIYE taladiisa iyo arrinkiisa ka mid ayaad tihiin, qariib-na kuma noqonaysaan”.

Sidoo kale badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi, oo xafladaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in aanay xisbiyadda mucaaridka ah wax taageereyaal ah ku haysan Gabiley, isla markaana ay ka xidheen albaabkii ay ka soo geli lahaayeen. “Madaxweyne ku xigeen, maanta (shalay) waxaanu hortaadda ku soo bandhigaynaa cududii ugu danbaysay ee gobolka cagaaran ee Gabiley, oo aanu ku soo biirinay xisbiga KULMIYE. Waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad naqo, xubnahan miisaanka leh ee ku soo biiray xisbiga KULMIYE, oo ay ku jiraan rag badan oo aanu soo wada shaqaynay intii aan gobolka joogay, gaar ahaana arrimaha horumarka gobolka.

Maantana mar haddii ay nagu soo biiriyeen in ay nagala shaqaynayaan dhinaca xisbiga KULMIYE aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa” ayuu yidhi badhasaabka Gabiley.Maayarka degmadda Gabiley Maxamed Aamiin Cumar Cabdi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaanu u soo dhawaynaynaa siyaasiyiinta miisaanka culus leh, ee ay ka midka yihiin maayaradii hore, xildhibaanadda golaha degaanka Gabiley iyo siyaasiyiintaba leh. Xafladan aan maanta (shalay) joogno iyo tii hore-ba, waxay albaabadda u laabayaan labadda xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, waxaanay fariin u yihiin in aanu jirin albaab ay mucaaridku ka soo galaan Gabiley, dhamaan goboladaasi way xidhmeen.Gobolkan Gabiley waa gobolkii KULMIYE, waxaanan rejaynaynaa in Gabiley ay noqoto xarunta uu xisbiga KULMIYE ka duullo”.