“Ninka Askariga Caayayaa Waxa Uu Askarigu Yahay Baanu Garanayn Oo Wixii Aynu Soo Marnay Buu Ka Maqnaa….”

0
1137

Wasiirka wasaaradda Warshadaha Somaliland Md Shucayb Maxamed Muuse, ayaa difaacay qiimaha iyo milgaha uu qaranka iyo bulshada dhexdeedaba ku leeyahay askarigu oo dhawaanahan rag siyaasiyiin ahi dhaliilo u jeedinayeen.

Wasiir Shucayb oo ka qaybgalay munaasibad uu xisbiga KULMIYE kusoo dhaweynayey taageerayaal kaga soo biiray gobolka Gabiley, ayaa hoosta ka xarriiqay inuu askarigu yahay cidda lagu seexdo ee ammaanka dalka hadh iyo habeen usoo jeedda, isaga oo intaas raaciyey inaanu geyin aflegaaddo iyo cay midna.

Wasiir Shucayb waxa uu caddeeyey in cidda askariga wax ka sheegaysaa aanay waxba ka ogayn dhibkii dalka loosoo maray, isla-markaana waddanka oo dhismay ay shaashadda soo gashay, “Hadii la isku caayo askarnimada ninka askariga caayayaa waxa uu askarigu yahay baanu garanayn oo wixii aynu soo marnay buu ka maqnaa oo waddanka oo dhismay buu qunyar iska soo degay, askariguna waa ka cadowga hortaagan ee qaranka difaacaya.”ayuu yidhi wasiir Shucayb Maxamed Muuse.

Wasiirku waxa uu  dhinaca kale si mug leh usoo dhaweeyey siyaasiyiin iyo taageerayaal baaxad leh oo xisbiga KULMIYE kaga soo biiray deegaanno katirsan gobolka Gabiley, waxana uu shaaca ka qaaday in xisbiga KULMIYE yahay madal la wada leeyahay oo aan la kala sheegan Karin.