Maareeyaha Cusub Ee Wakaallada Biyaha Berbera Oo Magacaabistiisu Ay Luqmatu-xajar Ku Noqotay Maamulka Saaxil Iyo Maayarka Degmada

0
970

Wasiirka Biyaha Oo Damqay Boogo Musuq-maasuq Oo U Dhexeeyey Maayarka Berbera Iyo Maareeyihii Uu Xilka Ka Qaaday Ee Wakaallada Biyaha+ Maamulka Gobolka Saaxil oo Dagaal Kala Hor Yimi Magacaabista Maareeyaha Cusub Oo Ah Nin Dhalinyaro Ah

“ Kaydkii Biyaha Ee Talyaanigu Berbera Kaga Soo Xidhay Dhinaca Faro Deero Illaa Dubaar Ayaa Maareeyihii Aan Hadda Bedelay Ee Wakaallada Biyaha Iyo Maarka Berberi U Tashadeen Oo Ay Dhulkii Badh Iibiyeen

Saladiin, Cuqaal, Waxgarad iyo Dhalinyaro kasoo jeeda gobolka Saaxil Ayaa Maalintii Shalay Hadhimo Sharafeed ku qaabilay Maareeyaha Cusub ee Wakaallada Biyaha Berbera dhawaan  uu Wasiirka Wasaaradda biyaha Somaliland wareegto wasiir ku magacaabay. Hadhimadan oo ay ka qayb galeen xildhibaanno, aqoonyahano, mas’uuliyiin kala duwan iyo badiba labeenta gobolka Saaxil ayaa lagu soo dhaweeyey Maareeyahan cusub Mr. Khadar Maxamed Caalin, waxaana soo dhawayntiisa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac, kaasi oo madax dhaqameedku ay uga mahad celiyeen in uu xilkan u garto isla markaana u magacaabo aqoonyahan da’yar oo reer Saaxil ahi, taasoo bay yidhaahdeen door ka qaadan doonta dhiirigelinta dhalinyarada ee ka qayb galka talada dalka. Salaadiinta goob jooga ka ahayd madashan waxaa kamid ahaa Suld. Cali Saleebaan Maxamed, Suldaan Cawil, Suldaan Tuullo, Suldaan Fariid waxaanay dhammaantood iska daba mareen sida ay ugu niyad san yihiin masuulkan da’da yare e lo magacaabay wakaallada biyaha Berbera oo ay ku tilmaameen shakhsi hawl kar ah oo kasoo bixi kara xilka dhabarka loo saaray “maanta waxanu halkan kusii galbinaynaa maareeyaha cusub ee wakaallada Biyaha Berbera, Wasiir Baashe Cali Jaamacna aad baanu ugaga mahad naqaynaa magacaabistiisa, annaguna waanu kugu barbar taagannahay xilka aad u magacawday oo waanu la shaqayn doonaa”. Sidaa waxaa yidhi mid kamd ah madax dhaqameedkii madasha kahadlay, waxaanu intaa kudaray “Cidna ha uga habranin shaqadaada, cidii kaa hortimaada ee shaqadaada faro galisana annaga ayaa kaa qabanayna ayaanu maareeyaha leennahay”.  Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac oo ay hareero fadhiyeen wasiir ku xigeenkiisa iyo wasiiru dawlaha wasaaraddaas ayaa isna hadal madasha ka jeediyey waxaanu ka warramay muhiimada ay Berberi u leedahay Qaranka “Berberi waa halbowlihii dalka, laba arrimood midna  la’aanteed ma noolaan karto horrumarkeeduna ma soconayo, labadaas arrimoodna waa biyo iyo laydh jaban”. Sidaa ayuu yidhi Wasiir Baashe Cali Jaamac, waxaanu intaa kud aray, “Sidaas oo ay tahayna Berberi Biyo la’aan ma noolaan karto, hadaad aragteen kaydkii talyaanigu sameeyey ee Berbera lagaga soo xidhay dhinaca Faro deero illaa Dubaar, halkaas waxaa loogu talogalay in biyaha kaydka ee magaalladu markay korodhaba loogu sameeyo. Sidaas darteed Maareeyihii hore ee Wakaallada Biyaha Berbera  ee aan hadda bedelay iyo Maayarka  degmada ayaa u tashaday oo dhulkii badh iibiyey, dagaalka waxa loo wadaana waa intaas oo markii aan Berbera hanti dhawr geliyey ee aan idhi waar dhulkaas lama iibin karo ayaa dagaal la bilaabay, markaan idhi dhulkaasi anigaa wasiir u ah oo ay dawladdu ii dhiiibatee, haddii cidi iibsanaysana anigaa Iibsanaya laakiin dee nin iga hooseeyaa  hoostayda kuma xadi karo haddaanan aniguba xadaynin, markaas arrinku waa sidaas”. Gebogabadiina waxaa uu wasiirku hambalyeeyey maareeyaha cusub oo uu u rejeeyey shaqo wanaag isaga oo laamaha kala duwan ee ay wada shaqaynta la leedahay wakaalladuna ugu baaqay in ay nidaamka dawladnimo ilaashaan oo ay la shaqeeyaan maareeyaha cusub.  Hadhimadan ayaa ka dembeysay kadib markii sida ay xogo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay ay wargeyska HUBAAL U Sheegeen In Masuuliyiinta heer gobol iyo midka degmo ee Berberi ay dagaal hoose kala hor yimaadeen Maareeyahan Cusub oo sida warku tibaaxay aanay magacaabistiisu u cuntamin siyaasadooda, iyaga oo wararku ku xidhiidhiyeen in xilkaas oo wasiir Baashe  ka qaaday maareeye  ku xididaystay wakaallada oo ay isku shushuban jireen  Masuuliyiinta Saaxil, khaasatan sida uu Wasiirkuba carrabka ku dhuftay Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur cidin.