Ku-Simaha Madaxweynaha Oo Farta Ku Fiiqay Halka Laga Qaniinay Xisbiga WADDANI Iyo Isha Ay Kasoo Burqatay Waabeyda Sumaysan Ee Kala Ir-dheysay Hoggaankoodii

0
1086

Waxaa Uu Eedo Culus U Jeediyey  Kooxdii Xirsi Hoggaaminayey ee WADDANI Ku Caariday

 “Xisbiga WADDANI Wuu Fashilmay Wuxuuna Ku Fashilmay Tallaabadiisii Koowaad Ee Uu Kusoo Saarayey Murrashaxiintiisii, Ninka Maanta Golihiisii Maamuli Kari Waayey Qaran Maamulkiisa Kama Sugayno.”

“Saaxiibadayadii KULMIYE Ka Cadhooday Afduubkii Ay KULMIYE Ku Sheegayeen Ayey Ka Sameeyeen Xisbigii Ay Tageen Ee WADDANI….” Saylici

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay dil-dillaaca ka dhex jira xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI iyo weliba waabeyda xubnihii KULMIYE ka cadhooday la dhex tageen xisbiga ay ku biireen.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ka hadlay madal lagu soo dhaweynayey taageerayaal iyo siyaasiyiin reer Gabiley ah oo xisbiga kusoo biiray, ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay fashilka ka dhacay shirkii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu KULMIYE yahay xisbi gaamuray oo shuruucda iyo xeerarka dalka ilaaliya.

Ugu horrayn madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey inuu xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa iyo maanta oo uu talada dalka hayoba xeerarka dalka ilaaliyo, “waxanu shalay ahayn xisbi mucaarid ah oo wuxuu ku heshiiyo  fuliya, shuruucdana ilaaliya oo golihiisa la yaqaanno, maanta oo aanu xukuumaddii nahayna sidaas si le’eg.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Isaga oo ka hadlaya fashilka ku dhacay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo shirkiisii golaha dhexe ee ugu horreeyey laba garab ugu kala jabay, waxana uu yidhi,“Waxa nasiib-darro ah xisbiga wax tilmaamaya ama wax dhaliilayaa inuu isagu isa saxaa qurux badan, xisbiga WADDANI wuu fashilmay wuxuuna ku fashilmay tallaabadiisii koowaad ee uu kusoo saarayey murrashaxiintiisii u tartamayey doorashada soo socota ee uu madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa kusoo saarayey.”

Isagaoo si cilmiyeysan u sharraxaya jaraanjarooyinka sharci ee axsaabta qaranka u yaalla, ayuu yidhi,“Sida uu u fashilmay baan idiin sheegayaaye qarankani waxa uu sameeyey shuruuc, muddadii ay xukuumaddu joogtay markii hore golayaasha qaranku mid waliba xeerkiisa, tirada golihiisa dhexe iyo midda fulinta jeebkuu iskaga haysan jirey cidina lama ogayn, laakiin maanta guddoomiyaha WADDANI, ahna guddoomiyaha golaha wakiillada xeerkii uu sameeyey waxa uu qorayaa in gole kasta, xisbi kasta ama ururkasta  abuurmaa wixii uu samaysto ee sharci ah, tiro golaha dhexe iyo tiro guddida fulintaba in la geeyo hay’adaha sharciga, dhammaan saddexda xisbi ee soo baxayna tiradooda golaha dhexe, midda fulintuba  waxa ay yaalliin hay’adaha sharci oo ay kaw ka tahay xeer ilaalintu,  guddida diiwaangelintu, maxkamadda sare iyo waliba komishanka doorashooyinku.

Cabdiraxmaan Saylici waxa uu bulshada far waaweyn ku fahamsiiyey dhibaatada ka dhex taagan xisbiga WADDANI, waxana uu dhibkaas bud-dhig uga dhigay khiyaanada lagu sameeyey tiradii golaha dhexe ee xisbigaas, taas oo ku sheegay qodob loo cuskan karo sida aanu xisigaasi talada dalka ugu haboonayn,“wuxuu ku fashilmay in tiradii u diiwaangashanayd oo aad u koobnayd oo laba boqol iy dheeraad lagu sheegayey in lagu dul daray 500, oo kale oo aan sharci ahayn, umadduna halka inay fahamto ay tahay waa gole aan jirin oo aan nidaamkii sharci loo marin ayey wax ku doorteen, taasina waa ta keentay caddaalad-darrada, ninka maanta golihiisii maamuli kari waayey qaran maamulkiisa kama sugayno.”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Dhinaca kalena waxa uu ka hadlay xubnihii KULMIYE ka tegay eek u biiray xisbiga WADDANI, kuwaas oo uu sheegay uu sheegay inay masuul ka ahaayeen afduubka laga dhex sameeyey shirkii golaha dhexe ee WADDANI,waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Saaxiibadayada KULMIYE ka cadhooday waxa ay lahaayeen rag baa loo afduubay xisbiga, annagase xisbi nalooma afduubine golihii dhexe ee ay sameeyeen bay ku kalsoonaan waayeen inay doorashada kaga qaybgalaan, wax lagu darayna ma jirin, golihii sharciyeysnaa ee hay’adaha sharciga yaallay ayaa lagu kala baxay oo ay ka carareen, afduubkii ay KULMIYE ku sheegeen ayey ka sameeyeen xisbiga ay u tageen”

Ugu dambayntii Cabdiraxmaan Saylici waxa uu hoosta ka xarriiqay inay xisbiga KULMIYE majaraha u hayaan halgamaayo taariikhda galay oo u qalma inay waddanka hoggaamiyaan,“Maanta waxa aanu ku tartamaynaa oo aanu dadka dheernahay laba mujaahid baa iskugu yimi, kuwaas oo kala ah mujaahidkii halganka iyo mujaahidkii dimuqraaddiyada, aniga oo a Cabdiraxmaan-na waxan ahay mujaahidkii dimuqraadiyadda, markaa KULMIYE laba mujaahid baa iskugu yimiye ha u daymo la’aanina.”